4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 7 , 2012
Dawo la'aan iyo dhibaatooyin kale oo soo wajahay Isbitaalka Magaalada Dhoobley ee Gobbolka Jubbada Hoose

Khamiis, June 07, 2012 (HOL) — Maamulka Isbitaalka deegaanka Dhoobley ee gobbolka Jubbada Hoose ayaa qeylo dhaan xooggan ka soo saaray adeegyada dhanka caafimaadka ah ee uu isbitaalku u hayo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Dhoobley iyo deegaanada ku xeeran.

Qeylo dhaantan ayaa timid kadib markii agabkii iyo daawooyinkii uu isbitaalku ku howlgali jiray ay gabi ahaanba gabaabsi noqdeen, iyadoona ay arrintaasi saameyn ku yeelatay dadkii adeegyada caafimaadka u soo doonan jiray Isbitaalka.

Isbitaalka deegaanka Dhoobley oo ay markii hore aas aaseen Qurbo joog Soomaali ah, ayaanan jirin cid gacanta ku haysa ama deeqo kala duwan soo gaarsiiya, sidaasna waxaa HOL u sheegay mid kamid ah howlwadeenada isbitaalka.

Dr. Nuur Biixi oo kamid ah Dhakhaatiirta ka howlgasha isbitaalka ayaa HOL u sheegay in hadii isbitalku uusan helin gurmad deg-deg ah ay qarka u saaranyihiin inay istaagaan adeegyada uu u hayo bulshada ku dhaqan Dhoobley iyo nawaaxigeeda.

Waxaa hadda gabi ahaanba istaagay adeegyadii uu isbitaalku u fidin jiray Caruurta yar yar iyo haweenka, sababa la xariira baahi xaga dawada ah oo isbitaalka ka jirta.

Masuulyiin kale oo ka tirsan howlwadena isbitaalka ayaa iyaguna HOL u sheegay inaay isbitaalka ka jiraan baahi xaga qalabka ah.

Qalabka uu isbitalka la'ayahay waxaa kamid ah, Sheybaarada lagu baaro dadka xanuunsan, Matoor la'aan iyo sidoo kale dawo la'aan baahsan.

Howlwadeenada Isbitalka ayaa ugu baaqay dowladda KMG iyo hay'adaha samafalka in ay sida ugu dhaqsaha badan gacan uga geystaan sidii loo taabo gelin lahaa isbitalka magaalada Dhoobleey, oo ay sheegeen in bukaanada lagu daweeyo laga kala keeno deegaanada ku yaal galbeedka gobolka jubada Hoose.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya