4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 7 , 2012
MADAXWEYNE SHEEKH SHARIIF: "Soomaaliya waxay u baahan tahay Nabad iyo Dowlad ay shacabku soo doorteen"

Khamiis, June 07, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay nabad iyo dowlad ay shacabku soo doorteen, taasoo uu ku sheegay inay tahay mid lala xisaabtami karo.

Hadalkan ayuu madaxweynuhu ku sheegay khudbad uu odayaasha dhaqaanka ugu jeediyay shalay oo Arbaco ahayd hoyga ay ka daggan yihiin Muqdisho, isagoo ku boorriyay inay hormuud u noqdaan in Soomaaliya ay fowdada ay ka baxdo.

"Soomaaliya waxay u baahan tahay nabad iyo dowlad ay shacabku soo doorteen, waana mid kusii xiran hadba sida aad idinku u shaqeysaan," ayuu madaxweynuhu u sheegay odayaashii uu la kulmay, isagoo dhinaca kalena sheegay inay xor u yihiin inay soo doortaan ergadii ansixin lahayd dastuurka soona xuli lahayd baarlamaanka cusub.

Madaxweynuhu wuxuu odayaasha ka dalbaday inay tixgelin siiyaan xildhibaanno uu sheegay inay dhaawacmeen, isagoo sidoo kale odayaasha ka codsaday inay tixgelin siiyaan beelaha yaryar ee Soomaaliyeed.

"Waxaa la idinka doonayaa inaad tixgelin siisaan xildhibaanadii la dhibaateeyay iyagoo danta dalka ku howlan, waxaad sidoo kale tixgelisaan beelaha yaryar, waayo ma wanaagsana inaan u kala badsanno sida aan u kala badannahay, waa inaan waxs u qaybsanno si walaalnimo ah," ayuu yiri Sheekh Shariif.

Sheekh Shariif wuxuu odayaasha-dhaqanka u sheegay inay saaran tahay mas’uuliyad weyn taasoo ah inay dalka badbaadiyaan maadaama faraha loo geliyay aayaha ummadda Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, madaxweynuhu wuxuu sheegay in lasoo dhameystiray dastuurka lagana sugayo inay soo xulaan ergadii ansixin lahayd, isagoo xusay in odayaasha aan laga doonayn inay ansixiyaan dastuurka ama ay soo xulaan xildhibaanno, balse ay howshaan qaban doonaan ergooyinka ay soo xulyaan oo noqon doona kuwo ay wakiisheen.

Dhanka kale; madaxweyne Shariif wuxuu ka dalbaday odayaasha inay iska soo xulaan 25-ergo oo noqon doona kuwa xallinaya khilaafaadyada soo dhexgalaya odayaasha, si aan loogu daahin xulidda ergada ansixinta dastuurka iyo soo xulidda baarlamaanka cusub.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya