4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 6 , 2012
Kenya oo Ciidankeeda Ammaanka Heegan u gelisay baqdin ay ka qabto in Weerarro Aargudasho lagu qaado dalkeeda

Arbaco, June 06, 2012 (HOL) — Dowladda Kenya ayaa heegan gelisay ciidankeeda ammaanka kaddib markii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ay ku dileen goboka Wiziristaan ee dalka Bakistaan Abuu-Yaxye Al-Liibi oo ka mid ahaa saraakiisha Al-Qaacida ee ka howlgalay Soomaaliya.

Saraakiisha Kenya ayaa sheegay in tallaabadan ay u qaateen iyagoo baqdin ka qaba in Al-shabaab oo horay ugu biirtay Al-Qaacida inay weerar aargudasho ah ka fuliso gudaha dalkooda.

Kenya ayaa horay ugu eedeysay Al-shabaab inay ka dambeysay qaraxyo dhowr ah oo ka dhacay gudaha dalkaas, kuwaasoo uu ugu dambeeyay qaraxii dhaawacyada badan geystay ee ka dhacay waddada Moi ee bartamaha Nairobi dhammaadkii bishii hore.

"Waxaan shacabka ugu baaqaynaa inay feejinaan muujiyaan, ayna soo sheegaan cid walba oo ay u arkaan inay falal ammaan-darro ka wadaan gudaha Kenya," ayuu yiri sarkaal sare oo Kenyan ah, kaasoo ka gaabsaday inuu magaciisa sheego.

Al-shabaab ayaa ku hanjabtay inay qaraxyo aargudasho ah ka geysan doonto gudaha Kenya, kaddib markii Kenya ay kumanaan askarteeda ka mid ah ay kasoo tallaabisay soohdinta ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya si ay ula dagaalamaan Al-shabaab.

Wasiirka gaashaandhigga dalka Kenya, Yuusuf Xaaji ayaa wuxuu Sabtidii laga soo gudbay ku saxiixay xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa heshiis ay uga mid noqonayaan ciidamada AMISOM ee howlgalka nabad dhalinta iyo ilaalinta ah u jooga Soomaaliya.

Ugu dambeyn, saraakiisha Kenya waxay sheegeen inay baaris xooggan ku hayaan gaadiidka isaga gooshaya gudaha Kenya, gaar ahaan kuwa ka shaqeeya Nairobi si aysan Al-shabaab uga faa'iideysan gaadiidka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya