3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 6 , 2012
Kenya oo Ciidankeeda Ammaanka Heegan u gelisay baqdin ay ka qabto in Weerarro Aargudasho lagu qaado dalkeeda

Arbaco, June 06, 2012 (HOL) — Dowladda Kenya ayaa heegan gelisay ciidankeeda ammaanka kaddib markii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ay ku dileen goboka Wiziristaan ee dalka Bakistaan Abuu-Yaxye Al-Liibi oo ka mid ahaa saraakiisha Al-Qaacida ee ka howlgalay Soomaaliya.

Saraakiisha Kenya ayaa sheegay in tallaabadan ay u qaateen iyagoo baqdin ka qaba in Al-shabaab oo horay ugu biirtay Al-Qaacida inay weerar aargudasho ah ka fuliso gudaha dalkooda.

Kenya ayaa horay ugu eedeysay Al-shabaab inay ka dambeysay qaraxyo dhowr ah oo ka dhacay gudaha dalkaas, kuwaasoo uu ugu dambeeyay qaraxii dhaawacyada badan geystay ee ka dhacay waddada Moi ee bartamaha Nairobi dhammaadkii bishii hore.

"Waxaan shacabka ugu baaqaynaa inay feejinaan muujiyaan, ayna soo sheegaan cid walba oo ay u arkaan inay falal ammaan-darro ka wadaan gudaha Kenya," ayuu yiri sarkaal sare oo Kenyan ah, kaasoo ka gaabsaday inuu magaciisa sheego.

Al-shabaab ayaa ku hanjabtay inay qaraxyo aargudasho ah ka geysan doonto gudaha Kenya, kaddib markii Kenya ay kumanaan askarteeda ka mid ah ay kasoo tallaabisay soohdinta ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya si ay ula dagaalamaan Al-shabaab.

Wasiirka gaashaandhigga dalka Kenya, Yuusuf Xaaji ayaa wuxuu Sabtidii laga soo gudbay ku saxiixay xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa heshiis ay uga mid noqonayaan ciidamada AMISOM ee howlgalka nabad dhalinta iyo ilaalinta ah u jooga Soomaaliya.

Ugu dambeyn, saraakiisha Kenya waxay sheegeen inay baaris xooggan ku hayaan gaadiidka isaga gooshaya gudaha Kenya, gaar ahaan kuwa ka shaqeeya Nairobi si aysan Al-shabaab uga faa'iideysan gaadiidka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
6/6/2012 8:35 AM EST
Arbaco, June 06, 2012 (HOL) — Wasaaradda xannaanada xoolaha, beeraha, dhirta iyo daaqa dowaldda KMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in miro-beereedkii xilligan soo go'i lahaa ay baabi'iyeen cayayaan, isagoo ka digay in dadka beeraleyda ah ay mar kale ka barakacaan deegaannadooda.

6/6/2012 7:50 AM EST
Arbaco, June 06, 2012 (HOL) — Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay oo 100-askari oo AMISOM ka tirsan ay ku sugan yihiin ayaa la geeyay qalab ay AMISOM leedahay kuwaasoo ay ku jiraan taangiyo iyo gaadiidka gaashaaman.

6/6/2012 7:44 AM EST
Arbaco, June 06, 2012 (HOL) — Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa goor dhaw xaafadda howlwadaag ee magaalada Beledweyne waxaa ay ku toogteen Nin rayid ah oo ka mid ahaa ganacstada magaalada.

6/6/2012 7:19 AM EST
Arbaco, June 06, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo xubno dowladda ka tisan oo wasiirka ganacsiga iyo warshadaha, Cabdiwahaab Ugaas Khaliif uu ka mid ahaa ayaa la kulmay odayaasha dhaqanka ee laga doonayo inay soo xulaan ergada ansixinta dastuurka cusub ee Soomaaliya.

6/6/2012 7:15 AM EST
Arbaco, June 06, 2012 (HOL) — Saraakiisha hogaamineeysa ciidamada dowladda KMG ee ku sugan gobolka Jubada Hoose ayaa sheegay in ay isu soo dhiibeen 20 askari oo hore uga tirsanayd dagaalyahannada Al-shabaab ee ku sugan gobolka Jubada Hoose.

6/6/2012 3:57 AM EST
Arbaco, June 06, 2012 (HOL) — Ciidamada ammaanka dalka Uganda ayaa maalmihii ugu dambeeyay ka sameynayay magaalada Kampala howlgallo lagu xoojinayo ammaanka, iyagoo si gaar ah u adkeynayaya ammaanka hoteellada, goobaha laga adeegto, dhismayaasha dhaadheer iyo kuwa ay dhismayaashu ka socdaan ee ku dhow goobaha muhiimka ah.

6/6/2012 3:40 AM EST
Arbaco, June 06, 2012 (HOL) — Dalka Koonfur Afrika oo ay kumannaan Soomaali ah ay ku nool yihiin ayaa waxaa marba marka kasii dambeysa sii kordhaya xiriirka iyo isdhex-galka ay la yeelanayaan dadka dalkaas u dhashay.

6/6/2012 3:07 AM EST
Arbaco, June 06, 2012 (HOL) — Saraakiisha dowladda KMG ah ayaa soo rogay amar looga mamnuucayo hubka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose. halkaas oo ciidamada dowladda KMG ah oo kaashanaya kuwa AMISOM ay kala wareegeen laba todobaad ka hor xoogaggii Al-shabaab ee ka talinayay.