4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 6 , 2012
Magaalada Baydhabo oo la geeyay Qalab ay Ciidamada AMISOM leeyihiin oo ay ka mid yihiin Taangiyo iyo Gawaarida Gaashaaman

Arbaco, June 06, 2012 (HOL) — Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay oo 100-askari oo AMISOM ka tirsan ay ku sugan yihiin ayaa la geeyay qalab ay AMISOM leedahay kuwaasoo ay ku jiraan taangiyo iyo gaadiidka gaashaaman.

Ilo wareedyo ku sugan Baydhabo ayaa HOL u sheegay in gaadiidka iyo qalabka kale oo dhinaca dhulka ku gaaray halkaas ay soo mareen dalka Itoobiya kuwaasoo ay galbinayeen ciidammo fara badan oo Itoobiyaan ah.

"Taangiyo, gaadiidka gaashaaman iyo qalab kale oo AMISOM ay leedahay ayaa tan iyo gallinkii dambe ee shalay soo galayay Baydhabo iyadoo intii ugu dambeysay ay maanta soo galeen," ayuu yiri goobjooge ku sugan Baydhabo oo magaciisa qariyay.

Goobjoogaha ayaa sheegay in sidoo kale ay Baydhabo tageen laba diyaaradood oo ay la socdeen saraakiil ciidamada AMISOM kuwaasoo gudaha degmada booqasho ku tagay, duhurnimadii maantana u dhoofay Muqdisho.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa tan iyo dhammaadkii bishii Feberaayo gacanta ku hayay ciidamada DKMG ah iyo kuwa Itoobiya oo ka qabsaday Xarakada Al-shabaab, iyadoo bishii Abriil ee sannadkan la geeyay 100-askari oo ka tirsan AMISOM.

Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa waxay qorsheynayaan inay gobolada Bay, Bakool iyo Hiiraan kala wareegaan ciidamada Itoobiya, iyadoo Jimcihii lasoo dhaafay la geeyay Baydhabo 100-askari oo ka socda dalka Jabuuti kama mid ah AMISOM.

Taliska AMISOM ayaan ka hadlin qalabka ciidan ee la geeyay Baydhabo, laakiinse waxay horay u sheegeen in gobolada Bay iyo Bakool ay geyn doonaan 2,500-askari oo ka kala socda dalaka Uganda iyo Burundi, sidoo kalena ay ciidamada Itoobiya kala wareegi doonaan Baladweyne.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya