4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 6 , 2012
Kooxo hubeysan oo Qof rayid ah ku Toogtay Magaalada Beleweyne ee G/Hiiraan

Arbaco, June 06, 2012 (HOL) — Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa goor dhaw xaafadda howlwadaag ee magaalada Beledweyne waxaa ay ku toogteen Nin rayid ah oo ka mid ahaa ganacstada magaalada.

Saraakiisha maamulka gobollka oo aan la hadalnay ayaa ku eedeeyay dilka Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Cabdi Xareed in ay ka danbeeyeen Xarrakada Al-shabaab, waxaana ay intaa ku darreen in ay wadaan baaritaanno la xiriira kooxihii dilka geystay.

Xaafadda Howl-wadaag gaar ahaan aaga uu dilku ka dhacay ayaa waxaa xiligan ku sugan ciidamo ka tirsan kuwa maamulka gobollka Hiiraan oo wada baaritaanno la xiriira dilka, laakiin ilaa hadda ma jirto cid ay ciidamadu u qabteen.

Ninka ganacsadaha ee kooxaha hubeysan ku dileen ayaa la dhashay Salaad Xareed oo ka mid ahaa saraakiisha maamulka gobollka Hiiraan, kaasoo kol hore Xarrkada Mujaahidiinta Al-shabaab ku dileen isla xaafadda Howl-wadaag.

Magaalada Beleweyne ayaa waxaa maamulka ciidamada maamulka gobollka Hiiraan oo gacan militari ka helaya kuwa dowladda Itoobiya, kuwasoo dabayaaqadii sanadkii aynu soo dhaafnay kala wareegay Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya