4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 6 , 2012
Madaxweynaha Somalia oo ka dalbaday Odayaasha-dhaqanka inay soo xulaan Ergadii Ansixin lahayd Dastuurka

Arbaco, June 06, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo xubno dowladda ka tisan oo wasiirka ganacsiga iyo warshadaha, Cabdiwahaab Ugaas Khaliif uu ka mid ahaa ayaa la kulmay odayaasha dhaqanka ee laga doonayo inay soo xulaan ergada ansixinta dastuurka cusub ee Soomaaliya.

Shariif Axmed oo la hadlayay odayaasha ayaa sheegay inay baryanaan soo bateen wararka sheegaya in odayaasha-dhaqanka ay ku jiraan kuwo aan sax ahayn oo la sameeyay, wuxuuna madaxweynuhu sheegay inaysan jirin oday la sameyn karo.

"Baryahaan waxaa soo badanayay wararka la sheegaya in odayaasha dhaqanka ay ku jiraan kuwo la sameeyay... War suldaan qofi ma sameyn karto, anigu ma dooran karo siyaasi, waayo suldaanku wuu ka weyn yahay siyaasiga," ayuu yiri Sheekh Shariif.

Madaxweynuhu wuxuu qiray inay jiraan boosas ay dad ilmo adeer ah isku haystaan, balse aanay jirin salaadiin gacanta lagu sameeyay oo odayaasha ku jira, isagoo ku daray hadalkiisa in odayaasha laga doonayo haddii ay jiraan odayaal aan sax ahayn oo ku dhex-jira inay sheegaan si ay maanta albaabka uga saaraan.

"Innagu wax dhibaato ah uma aragno in ugaaskii dufuur awgeed u imaan waaya uu soo dirsado wakiil," ayuu yiri madaxweyne Shariif oo ka dalbaday odayaasha in looga baahan yahay inay arrintaas dadka ka shaafiyaan, maadaama ay yihiin dadkii ummadda ka shaafin lahaa hadalkaas, si looga fogaado ceeb.

Dhanka kale, madaxweynaha Soomaaliya wuxuu odayaasha ka dalbaday inay soo qoraan ergadii ansixin lahayd dastuurka cusub ee Soomaaliya isla markaana soo xuli lahaa xildihbaannadii bedeli lahaa kuwa hadda shaqeynaya, isagoo ku adkeeyay inay soo xulaan mas'uuliyiin howshooda kasoo bixi kara.

"Mas'uuliyad taariikhi ah ayaa idin saaran... waayo 100-sano kaddib waa la idin xusi doonaa, waxaana la dhihi doonaa Soomaaliya markii ay dhibaatada ka baxaysay waxay qaadatay nidaamkaas oo odayaasha-dhaqanka ayaa soo xulay ergadii ansixin lahayd dastuurka iyo xildhibaannada... waxaana ka dambeeyay dowlad fiican iyo wixii la mid ah," ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Ugu dambeyn, waxaa goobta ka hadlay wasiirka ganacsiga iyo warshadaha DKMG ah oo ah ku simaha ra'iisul wasaaraha isagoo sheegay in odayaasha loo soo gudbin doona bishan bartamaheeda dastuurka si ay u eegaan, wuxuuna sheeagy in dastuurku uu yahay mid si wanaagsan looga soo shaqeeyay.

Wasiirku ayaa hadalkiisa kusoo xiray inay soo gaareen cabashooyin ammaanka ku aaddan oo ka imaanaya dhinaca odayaasha, ayna dowladdu adkeyn doonto intii ay awooddo ammaanka odayaasha-dhaqanka ee soo xulaya ergada ansixinta iyo kuwa soo xulaya xildhibaannada cusub.

Kulankan oo ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha Muqdisho oo odayaasha dhaqanku ay deggen yihiin ayaa waxaa la xiray jidka gala garoonka diyaaraaha iyo kan taga madaxtooyada, iyadoo dadka loo ogolaa inay socod ku maraan jidadkaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya