4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 6 , 2012
Soomaalida ku nool South Africa oo Shahaadooyin Guddoonsiiyey Dhakhaatiir Koonfur Afrikaan ah Kalkaaliso Soomaaliyeed

Arbaco, June 06, 2012 (HOL) — Dalka Koonfur Afrika oo ay kumannaan Soomaali ah ay ku nool yihiin ayaa waxaa marba marka kasii dambeysa sii kordhaya xiriirka iyo isdhex-galka ay la yeelanayaan dadka dalkaas u dhashay.

Tallaabada horumarka leh ee ay Soomaalida Koonfur Afrika qaaday ayaa waxaa hormuud u ah dhallinyarada Soomaaliyeed ee aqoonta leh, isla markaana wax ka baratay dalkaas, kuwaasoo hadda bilaabay inay daboolaan baahida qaxootiga Soomaaliyeed qaasatan dhinaca Caafimaadka.

Fatxi Cabdikariin waa gabar Soomaaliyeed oo da'yar, waxay ka hawlgashaa xarun-caafimaad oo ku taalla magaalo-xeebeedda Cape-town, gaar ahaan xaafadda ay Soomaalida ku badan tahay ee Bellville, Fatxi shaqadeeda waa caawinta qof kasta oo bukaan ah; gaar ahaan Soomaalida oo ay ka gacan siiso dhanka Caafimaadka iyo tarjumaanad luuqadda.

Kalkaalisadan ayaa waxay ka howlgashaa rugta caafimaadka ee City-kem iyadoo la guddoonsiiyay shahaado sharaf ay wax-qabadkeeda ku muteysatay, taasoo golaha fidinta dacwada Islaamiga Soomaaliyeed ee Al-Bayaan uu bixiyay, iyadoo bahda Al-Bayaan sidoo kale shahaado taas la mid ah siiyeen madaxda rugta caafimaadka ee City-kem.

Sheekh Xuseen Shibbis oo xubin firfircoon ka ah golaha dacwada Al-Bayaan ayaa isagoo wakiil ka ah guddoomiyaha guud ee Al-Bayaan, Sheekh Xasan Guure, wuxuu shahaadooyinka ku wareejiyay kalkaalisada Soomaaliyeed ee Fatxi Cabdiraxmaan, Mr. C. Herman iyo Mr. Sher oo ka mid ah dhaqaatiirta rugtaas ka howlgala ee aadka u caawiya Soomaalida, waxaa iyaguna ay si xushamd leh ugu mahadceliyeen jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Koonfur Afrika.

Cumar Caweyste oo ka mid ah hor-joogayaasha jaaliyaada Soomaalida, Cape-town ayaa saxaafadda u sheegay in goobaha caafimaadka ee Koonfur Afrika lagu qabay dhibaato xagga luqadda ah, balse markaani ay sidii hore kasoo hagaagayso maadaama dhalinyaro Soomaaliyeed oo caafimaadka bartay ay ka shaqo bilaabeen.

Guddoomiyaha ururka saxafiyiinta Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika, Maxamed Muuse Nuur (Deeq-darajo) ayaa arrintan ku tilmaamay tallaabo horumar leh, isagoo ku daray hadalkiisa in Soomaalida Koonfur Afrika ku nool ay markan dhan walba iska dhisayaan, iyagoo wax la qabsanaya qowmiyadaha kale ee kula nool dalkaas.

Waa markii ugu horreysay oo gabar Soomaaliyeed ka hawlgasho xarun Caafimaad oo ku taalla dalka Koonfur Afrika waxaana si weyn u soo dhaweeyay isla markaana ugu riyaaqay dhammaan Soomaalida ku nool dalkaas.

Cabdirisaaq Indho-Jacayl
[email protected]
Cape Town, Koonfur Afrika