4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 5 , 2012
Ururka BENALPA oo Seminaar ku saabsan caafimaadka Bulshada ka furay Magaalada Muqdisho


Talaado, June 05, 2012(HOL): Seminaar uu soo qabanqaabiyay ururka xirfadleyda dhaqaaatiirta xoolaha ee Gobolka Banaadir (BENALPA) loogana hadlayo caafimaadka bulshada ayaa maanta lagu furay magaalada Muqdisho iyadoo ay ka qeybgaleen in ka badan 30 ruux oo ka kala socday wasaaradaha caafimaadka, xanaanada xoolaha iyo beeraha, ururada bulshada iyo  hal-abuurayaal.

Xogahayaha ururka BENALPA  Axmed Takow Hassan ayaa faahfaahin ka bixiyay ujeedooyinka seminaarka iyo waxqabadka ururka BENALPA wuxuuna sheegay inay ku faraxsan yihiin  furitaanka seminaarka iyo muhiimada uu bulshada u leeyahay xilligan oo ay burbursan yihiin kaabayaashii bulshada ee xoojin lahaa caafimaadka guud ee dadweynaha.

Guddoomiyaha ururka BENALPA Dr. Nurto Sheekh Mohamed ayaa sheegtay in seminaarka uu yahay furitaanka mashruuc lagu doonayo in bulshada lagu wacyi geliyo sidii loo dhowri lahaa caafimaadka guud iyo sixada dadka, loogana hortegi lahaa dhibaatooyinka caafimaad darro ee aalaaba ka dhasha nadaafad xumida, waxayna faahfaahin ka bixisay baahida loo qabo in la hagaajiyo faya-dhowrka dadweynaha.


“Waxaan dooneynaa in bulshada la gaarsiiyo farriimo ka tarjumaya sida loo ilaalin karo caafimaadka degaanka sida goobaha xoolaha lagu qalo, suuqyada wax lagi iibiyo Kawaanada oo ah meelaha ugu muhiimsan ee saameynta ku yeesha caafimaadka guud” ayay tiri Dr. Nurto oo kasoo qeybgalayaasha seminaarka ku boorisay inay dejiyaan qorshe lagu gaari karo dadweynaha si loo ilaaliyo caafimaadka bulshada.

Agaasimaha guud ee wasaaradaha xanaanada xoolaha iyo beeraha dowladda KMG ah Prof. Maxamuud Maxamed Maxamuud oo seminaarka furay ayaa uga mahadceliyay ururka ururka xirfadleyda dhaqaaatiirta xoolaha ee Gobolka Banaadir (BENALPA) dadaalka ay ugu jiraan wax uqabashada bulshada, wuxuuna intaas ku daray inuu waqti haboon ku soo beegmay seminaarka isla markaana baahi weyn loo qabo in wax laga bedelo caafimaadka bulshada.

Prof. Maxamuud Maxamed wuxuu caddeeyay inay diyaar u yihiin wasaarad ahaan inay qeybtooda ka qaataan barnaamijka caafimaadka dadweynaha, wuxuuna codsaday inay wasaaradiisu marti geliso kulan cilmiyeedka xiga ee mashruuca caafimaadka bulshada.

Seminaarka oo ay caawineyso Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cuntada iyo beeraha ee FAO wuxuu socon doona muddo saddex maalmood ah ayaa waxaa casharo ka bixin doona lix macalimiin oo ka kala socda ururka BENALPA iyo wasaaradaha caafimaadka, xanaanada xoolaha iyo beeraha, wuxuuna qorshuhu yahay in tababarro wacyigelin ah loo qabto qeybaha bulshada ee degmooyinka gobolka Banaadir.