3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 5 , 2012
DAAHIR RAYAALE KAAHIN: "Waxaan Somaliland oo dhan u gudbinayaa inay Xisbigan u codeeyaan Mustaqbalka,"

Talaado, June 05, 2012 (HOL) — Madaxweynihii Somaliland, ahna Guddoomiyaha xisiga UDUB, Daahir Rayaale Kaahin ayaa markii ugu horreysay sheegay in lasoo afjaray khilaafkii xisbiga ka jiray, isla markaana hadda la billaabay dardarp-gelinta howlaha xisbiga.

Guddoomiyaha xisbiga UDUB wuxuu hadalkan ku sheegay shir jaraa'id oo uu maanta ku qaabtay gurigiisa, isagoo ku caddeeyay in murankii xisbiga ka dhex-jiray lagu soo afjaray qaab sharci ah, sidaas darteed loo diyaar garoobo sidii loo soo saari lahaa xisbiga, waxaanu shacabka somaliland ugu baaqay in xisbigan taariikhda weyn ku leh dimuqraadiyadda somaliland ay taageeraan.

"Xisbigan waa xisbigii dimuqraadiyadda Somaliland, waxaana aasaasay madaxweynihii jihadda u sameeyay Somalilnad (Maxamed Xaaji Cigaal), waxaanu xisbigani ka koobnaa xisbiyadii xoriyada ka qaatay Ingiriiska ee SNL, USP iyo NUF, xisbigani waxa uu ahaa mid bahweyn ah oo ummadda oo dhani ku suntan tahay,"ayuu Yidhi Guddoomiyaha xisbiga UDUB Daahir Rayaale.

Waxaanu intaas ku daray "Fikirkii madaxweynihii hore ee Cigaal waxa uu ahaa in aanu dalkani ku jiri Karin shir beeleed oo loo jiheeyo dimuqraadiyad si beelnimada uga baxno, markii uu geeriyooday Ana banaanka ma dhigin ee sideed bilood oo ka hadhsan yahay doorashaddii ayaan hirgaliyey doorashadda, doorashadii u horaysay oo dad badani ka cabsi qabay oo is waydiinayey ma qabsoomaysaa mise ma qabsoomayso ayey dhacday oo si fiican u hirgashay"

"xisbigani xeerar buu leeyahay ninkasta oo murma xeerkaasi uun baa la raacayaa, xisbigu isagoo qaybsan baan imid waxaan isku dayey in aan murankaasi joojiyey wax ka bedel bay arrimahaasi musharaxnimada ah oo ah meesha khilaafku ka dhashay galeen loomana raacin xeerka xisbiga, gudoomiye ku xigeenkaygu waxa uu liis u gudbiyey guddida diiwaanta wayna ku soo celiyeen oo waxay yidhaahdeen kol hadii uu gudoomiyuhu joogo awood uma lihid"ayuu yidhi Daahir Rayaale oo tilmaamaya halka ay sartu ka qudhuntay.

Gudoomiyaha UDUB waxa uu ku dooday in aanay maxkamaddu laba wax kala xukun balse ay xukuntay sharciga u yaalla xisbiga, sidaa darteed qolooyinka ka soo horjeedda ku tilmaamay kuwa aan wax badan aqoon u lahayn sharciga u yaala xisbiga, isagoo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi "Maxkamaddu go’aankii ugu dambeeyey ayey soo saartay, dacwadii uu watayna waa la diiday, jawaabtaydiina waa la qaatay, maxkamaduna laba wax may xukumin ee hal wax uun bay xukuntay, arrintaasna waa la soo afjarayaa"

Daahir Rayaale waxa uu taageerayaasha xisbiga UDUB ugu baaqay in la soo afjaray khilaafkii xisbiga ka jiray "waxaan taageerayaasha xisbiga u sheegaya in uu soo dhamaaday khilaafkii jiray, xisbiguna hawlihiisii u galayo, xisbiguna sharci buu leeyahay oo aniga iyo ku xigeenkayga iyo xubnaha kala hagaya, wayna soo afjarantay oo sharciyad bay ku soo afjaran"ayuu yidhi.

Waxa kale oo uu sheegay in wax musharax ah oo xisbiga dhexdiisa jiraa aanay jirin ee marka golayeaasha deegaanka laga soo noqdo uun la iska dhex dooran doono, waxa kale oo uu ummadda Somaliland ku guubaabiyey inay wadankooda ilaashadaan in xisbiga UDUB ay u codeeyaan, maadaama oo uu taariikh badan dalka ku leeyahay.

"Waxaan umadda reer Somaliland u sheegayaa inay ahaadaan ul iyo diirkeed iyo midnimo, wadankan yar ee curdinka ah ee ilaahay inagu beeray in aynu ilaalino sidii uu u jiri lahaa, laga ilaaliyo wixii khilaaf ah iyo iska hor imaad ah ayaan dadweynaha u farayaa"ayuu kula dardaarmay dadweynaha

"Waxaan somaliland oo dhan u gudbinayaa inay xisbigan mustaqbalka u codeeyaa waa astaan somaliland u taalla, waa xisbi taariikh ku leh Somaliland, waa xisbigii dimuqraadiyada bilaabay, ee fidinta dawladnimada sameeyey iyo wax kasta dhiirigaliyey waxaanu umadda leeyahay u hiiliya xisbiga"ayuu raaciyey Daahir Rayaale. Haseyeeshee illaa hadda garabkii kale ee khilaafku ka dhexeeyey kuma heshiin in khilaafkaasi lasoo afjaray.

Barkhad-Ladiif M. Cumar
[email protected]
Hargeysa, Somaliland













Click here
6/5/2012 12:16 PM EST
Talaado, June 05, 2012(HOL): Seminaar uu soo qabanqaabiyay ururka xirfadleyda dhaqaaatiirta xoolaha ee Gobolka Banaadir (BENALPA) loogana hadlayo caafimaadka bulshada ayaa maanta lagu furay magaalada Muqdisho iyadoo ay ka qeybgaleen in ka badan 30 ruux oo ka kala socday wasaaradaha caafimaadka, xanaanada xoolaha iyo beeraha, ururada bulshada iyo hal-abuurayaal.

6/5/2012 8:55 AM EST
Talaado, June 05, 2012 (HOL) — Dr. C/raxmaan Macallin C/llaahi (Baadiyoow) oo ka mid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed ayaa maanta sheegay inuu ka qaybgalayo doorashada madaxweynimo ee Soomaaliya oo lagu wado inay dhacdo bisha Ogoosto ee sannadkan.

6/5/2012 8:07 AM EST
Talaado, June 05, 2012 (HOL) — Maamulka Ahlu Sunna Waljameeca ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay cafis u fidiyeen dhalinyarro ah oo horay uga tisaneyd sida ay sheegeen Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab.

6/5/2012 8:04 AM EST
Talaado, June 05, 2012 (HOL) — Hay'adda UNHCR ayaa warbixin ay maanta oo Talaado ah soo saartay ku sheegtay in weli Soomaaliya ay ka jiraan caqabado ku qabsanaya dadka inay ka cararaan deegaannadooda.

6/5/2012 7:34 AM EST
Talaado, June 05, 2012 (HOL) — Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay dagaal culus oo saakay xoogagga Al-shabaab iyo kuwa Ahlusuna ku dhexmaray deegaanno u dhexeeya degmooyinka Guriceel iyo Ceelbuur oo kawada tirsan gobolka Galguduud.

6/5/2012 7:15 AM EST
Talaado, June 05, 2012 (HOL) — Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta xukun 15-sano ah ku ridday ku-xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, Cali Maxamed Yuusuf kaasoo lagu eedeeyay inuu galay dambiyo ay ka mid yihiin inuu isticmaalay awood uusan lahayn.

6/5/2012 6:46 AM EST
Talaado, June 05, 2012 (HOL) — Ugu yaraan afar askari oo kawada tirsan ciidanka dowladda KMG ah ayaa ku dhintay tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen dagaal xalay saqdii dhexe ciidammo ka kala tirsan booliiska iyo milateriga DKMG ah ku dhexmaray degmada Afgooye ee gobolka shabeellada hoose.

6/5/2012 4:10 AM EST
Talaado, June 05, 2012 (HOL) — Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Museveni ayaa uga baaqay madaxda Soomaalida inay ka fogaadaan khiaafyada siyaasadeed ee soo laalaabtay muddada yar ee ka harsan ka bixitaanka xilliga KMG ah.

6/5/2012 3:44 AM EST
Talaado, June 05, 2012 (HOL) — Xildhibaano iyo siyaasiyiin ka tirsan Somaliland, ayaa cambaareeyey xukunkii lagu xukumay masuuliyiintii lagu eedeeyey lunsiga raashinka mucaawimadda ah,kuwaas oo lagu xukumay saddex sanno iyo mid ka mid isna lagu xukumay hal sanno oo xadhig ah.