4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 5 , 2012
Maamulka Ahlusunna Waljamaaca oo sheegay in uu cafis u fidiyay dhalinyarro horay uga tirsanaa Al-shabaab

Talaado, June 05, 2012 (HOL) — Maamulka Ahlu Sunna Waljameeca ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay cafis u fidiyeen dhalinyarro ah oo horay uga tisaneyd sida ay sheegeen Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab.

Guddoomiyaha degmada Dhuusa-mareeb ee gobollka Galguduud Shiikh C/raxmaan Geedo-qoroow ayaa sheegay in ay cafis u fidiyeen ilaa shan dhalinyarro ah oo horay uga tirsaneyd sida uu sheegay Al-shabaab, laakiiin iskood go’aan ugu gaaray in ay ka haraan.

‘’Markii aan ognaay in dhalinyarradan lagu qalday dagaallada, iyagana ku qanceen in ay isaga haraan falalkii ay horay ugu jireen ayaan cafis u fidinay ayuu yiri,’’ guddoomiyaha degmada Dhuusa-mareeb ee gobollka Galguduud Shiikh C/raxmaan Geedo-qoroow.

Maalmihii ugu danbeeyay waxaa qeybo ka mid ah gobollka Galguduud ee bartamaha dalka Soomaaliya ka socday dagaallo u dhaxeeya xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca iyo kuwa Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab kuwaasoo labada dhinacba guulo ka kala sheegteen.

Dhalinyarrada la sheegay in uu cafiyay maamulka Ahlu Sunna ee degmada Dhuusa-mareeb ayaa lagu kala magacaabaa Cali Daahir Xasan Maxamed, C/xakiin Cali Cabdulle, C/raxman Salaad Geelle, C/llaahi Maxamuud Faarax iyo C/rashiid Yaasiin Cabdulle.

Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ay saraakiisha Al-shabaab ka soo saareen sheegashada Ahlu Sunna ee ah in ay cafis u fidiyeen dhalinyarro ka soo goostay dhinacooda iskuna dhiibtay maamulka Ahlu Sunna ee degmada Dhuusa-mareeb.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya