4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 5 , 2012
Xarakada Al-shabaab iyo Ahlusunna Waljamaaca oo guulo ka kala sheegtay dagaal ku dhexmaray Gobolka Galguduud

Talaado, June 05, 2012 (HOL) — Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay dagaal culus oo saakay xoogagga Al-shabaab iyo kuwa Ahlusuna ku dhexmaray deegaanno u dhexeeya degmooyinka Guriceel iyo Ceelbuur oo kawada tirsan gobolka Galguduud.

Dagaalkan ayaa billowaday markii xoogagga Ahlusunna ay weerareen ciidammo ka tirsan kuwa Al-shabaab oo deegaannadaas fariisin ka sameystay, iyadoo dagaalka uu si iskiis ah u joogsaday.

"Iskarhoimaadku wuxuu ka dhashay weerar aan ku qaadnay xoogag Al-shabaab ka tisran oo fariisin ka sameystay deegaanno u dhexeeya Guriceel iyo Ceelbuur, guul ayaana dagaalkaas ka gaarnay," ayuu yiri taliyaha ciidamada Ahlusunna ee Ceelbuur, Cabdi Xasan Maxamed oo saxaafadda la hadlay.

Taliyuhu wuxuu sheegay in dhankooda ay dagaalkaas uga dhinteen saddex askari, sidoo kalena looga gubay gaari ay leeyihiin, wuxuuse sheegay in dhinaca kale ay u geysteen khasaare fara badan, inkastoo uusan carrabka ku dhufan cadadkeeda.

Sarkaalkan u hadlay Ahlusunna wuxuu sheegay inay iyagu gacanta ku hayaan halkii lagu dagaalamay, inkastoo warar madaxbannaan ay sheegayaan in labada dhinac ay kuwada sugan yihiin deegaannadii lagu dagaalamay.

Dhanka kale, saraakiil u hadlay Al-shabaab ayaa iyaguna sheegay in dagaalku uu ka billowday weerar ay ciidamadooda ku qaadeen gaadiid Ahlusunna lahayd oo halka lagu dagaalamay marayay, kuwaasoo ay sheegeen in laba ka mid ah ay gubeen.

Ma aysan sheegin saraakiisha Al-shabaab khasaaraha dhankooda dagaalka kasoo gaaray iyo khasaaraha ay geysteen, waxayse xuseen in dagaalku uu ahaa mid ay ka gaareen ujeedooyinkii ay ka lahaayeen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya