4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 5 , 2012
Dagaal Ciidammo kawada tirsan kuwa DKMG Soomaaliya ku dhexmaray Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose

Talaado, June 05, 2012 (HOL) — Ugu yaraan afar askari oo kawada tirsan ciidanka dowladda KMG ah ayaa ku dhintay tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen dagaal xalay saqdii dhexe ciidammo ka kala tirsan booliiska iyo milateriga DKMG ah ku dhexmaray degmada Afgooye ee gobolka shabeellada hoose.

Guddoomiyaha degmada Afgooye ee DKMG ah, Cabdullaahi Cabdi Axmed ayaa koox wariyeyaal ah ugu sheegay degmadaas in dagaalkii xalay uu ahaa mid fool xun oo si lama filaan ah ku dhacay, isagoo xusay in dagaalkuu xalay sadii dhexe dhacay.

"Dagaalka waxaa ku dhintay afar askari inta aan ognahay, waxaana dhaawacyo ay kasoo gaareen tiro intaas ka badan," ayuu yiri guddoomiyaha degmada Afgooye oo sheegay inay degmada ku sugan yihiin ciidammo qas-wadayaal ah.

Askartii ku dhaawacmay dagaalkii xalay ayaa qaarkood lasoo gaarsiiyay Muqdisho, iyadoo dagaalkan uu kusoo beegmayo iyadoo degmadaas ay dhawaanahan ka jireen muranno ku saabsan qaabka loo qaadayo canshuuraha.

Sidoo kale, guddoomiyaha degmada Afgooye ayaa ku eedeeyay guddoomiyaha gobolka Shabeellada hoose inuu isitmcaalayo awood tiisa ka badan, isagoo xusay in dhawaan uu magacaabay guddiga canshuuraadka degmada, taasna uusan isagu xaq u lahayn.

Degmada Afgooye oo 30-km dhinaca waqooyi-galbeed ka xigta xarunta Soomaaliya ee Muqdisho ayaa waxay ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM kala wareegeen laba todobaad ka hor xoogagga Al-shabaab oo sannado ka talinayay.

Ma jiro hadal kasoo baxay dhinaca dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo ku saabsan dagaalkii xalay degmada Afgooye ku dhexmaray ciidamada kawada tirsan dowladda, iyadoo dhawaan uu degmadaas booqday madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya