4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 5 , 2012
Madaxweynaha Dalka Uganda oo Madaxda Soomaalida ugu baaqay inay ka fogaadaan khilaafyada Siyaasadeed

Talaado, June 05, 2012 (HOL) — Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Museveni ayaa uga baaqay madaxda Soomaalida inay ka fogaadaan khiaafyada siyaasadeed ee soo laalaabtay muddada yar ee ka harsan ka bixitaanka xilliga KMG ah.

Museveni ayaa kulan looga hadlay arrimaha Soomaaliya kula yeeshay dalka Turkiga madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo ra'iisul wasaaraha, Cabdiweli Maxamed Cali, kaddib markii uu dhammaaday shirkii Istanbuul II.

"Ammaanka Soomaliya oo la adkeeyo iyo in dadku ay helaan nabad ay ku doortaan hoggaamiyeyaashooda waxay ku xiran tahay hadba horumarka laga sameeyo isku xirka bulshada," ayuu yiri Museveni.

Madaxweynaha Uganda wuxuu sheegay in Soomaalida aysan xilligan ku habboonayn inay go'aansadaan inay odayaasha-dhaqanka beelaha u wakiishaan inay soo xulaan xubnihii bedeli lahaa kuwa hadda shaqeynaya marka la gaaro bisha Ogoosto.

Sidoo kale, Museveni wuxuu ku adkeeyay madaxda Somalida in odayaasha beelaha ay soo xulaan xubno lagu kalsoon yahay, kuwaasoo uu sheegay inay xal ka gaari karaan murannada taagan.

"Waxaan idin kaga digayaa inuu idin soo dhexgalo khaladaad siyaasadeed, kuwaas oo waxyeeleyn kara howlaha Roadmap-ka ee lagu dhameystirayo xilliga KMG ah," ayuu Museveni kula taliyay madaxda Soomaalida.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay Museveni talooyinka uu siiyay, isagoo sheegay in khaladaad ay imaan karaan, balse ay ku dadaali doonaan sidii ay ku sixi lahaayeen. Isagoo intaas ku daray in odayaasha-beelaha ay dhisi doonaan guddi xaliya khilaafaadyada.

Sidoo kale, ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa isaguna ka mahadceliyay fikirka ku aaddan in doorashada madaxda ay noqoto mid ka timaadda dadweynaha, wuxuuse intaas ku daray in dalka uusan xilligan u diyaarsanayn arrintaas.

Cabdiweli Gaas, wuxuu dhinaca kale soo dhaweeyay taageerada dowladda Uganda ee dhinaca ciidamada ah, isagoo u sheegay Museveni in shacabku ay si rasmi ah u soo dooran doonaan hoggaamiyeyaashooda, balse la joogo xilligii ay odayaasha beeluhu shaqeyn lahaayeen.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Uganda ayaa sheegay in joogitaankooda Soomaaliya uu caddeyn u yahay sida ay uga go'an tahay inay shacabka Soomaaliyeed ka caawiyaan sidii ay u xaqiijin lahaayeen lasoo laabashada xorriyadooda, ayna ku gaari lahaayeen xilli ay hoggaamiyeyaashooda soo doortaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya