4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 5 , 2012
Xildhibaanno iyo Siyaasiyiin ka hadlay xukunkii lagu riday Saddexdii Mas'uul ee lagu Eedeeyay Leexsashadda Raashin Mucaawimo ah

Talaado, June 05, 2012 (HOL) — Xildhibaano iyo siyaasiyiin ka tirsan Somaliland, ayaa cambaareeyey xukunkii lagu xukumay masuuliyiintii lagu eedeeyey lunsiga raashinka mucaawimadda ah,kuwaas oo lagu xukumay saddex sanno iyo mid ka mid isna lagu xukumay hal sanno oo xadhig ah.

Xildhibaano iyo siyaasiyiin aanu xukunkaasi wax ka waydiinay ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay, isla markaana sheegay inay ku faraxsan yihiin racfaanka laga qaatay, taas oo ahayn bay yidhaahdeen xukun si cadaalad ah u dhacay.

XIldhibaan Ibraahim Jaamac Cali (Rayte) oo ka mid ah golaha wakiiladda Somaliland oo sida uu u arko xukunkaasi ka hadlaya waxa uu yidhi "Maxkamadii dadkii la socday ilaa bilowgeedii ayaan ahaa ee dhagaysan jiray baan ahaa, cadaaladda waxa laga eegaa go’aanka dadku sameeyaan iyo ka xaakunku sameeyo, haddii ay aad u kala fogaadan sida ay dadku u arkeen xukunka iyo xukunka uu gaadhay garsooruhu cadaalad daro ayaa ka jirta", waxaanu intaas ku daray " waxaan u arkaa in lagu sadqeeyey cadaaladii Somaliland, sida ay dadku kalsooni ugu heli doonaan dadku anigu garan maayee, waa wax aad uga fog cadaaladda iyo aragtida guud ee dadweynaha, inay Somaliland maanta arrintan oo kale ka suurtogasho waa nasiib daro aad u weyn"ayuu yidhi xildhibaan Rayte.

Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho indho) oo ka tirsan golaha Guurtidda Somaliland oo isna aragtidiisa ka dhiibanayey go’aankii maxkamadda gobolka Hargeysi ku xukuntay rag masuuliyiin ah waxa uu yidhi " Ummadda ilaahay oo dhan markhaati ayey ka ahayd arrintaasi oo maxkamadda ayaa aroor walba la tagi jiray qof kaliya oo markhaati ku fura waa la waayey, maxkamadii waxay tidhi waxaas ayaan xukumay, wixiii ummadda oo dhan arkaysay in la yidhaa waa sidaas waa sharci daro, waxaan u mahadnaqayaa looyaradii degdega u qaatay racfaanka ayaan u mahadnaqayaa", waxaanu raaciyey "meeshaas aniga aragtidayda inay halkaasi cadaalad daro ka dhacday ayaan u arkaa ummadani maalin walba way joogtay, laba cisho ayaan tagoo kolay labaatan qof oo markhaati ah waan taagnaa, qof yidhaa saddexdaas nin baa wax lagu haystaa maan arag, maxkamadana waxaan ka filayey inay tidhaahdo waxbaa lagu waayey ayaan ka filayey, laakiin Aayad quraan ah maaha waxay tidhi maxkamadu ee racfaanka ay qaateen looyaradda ayaan taageerayaa"ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiqaadir.

"Anigu lama yaabani xukunka maxkamadda cidii isbedelkan kulmiye sheegayo u haystay cadaalad oo dulmiga ka qaadayo cida aaminsan ayaa la yaaban, laakiin ninka sii garanayey ee sheegay in abaar laga guurayo oo abaar kale loo guurayo la yaabi maayo, maxkamadda si fiican ayaa loo dhagaystay in aanay bilaa dambi ahayn way cadayd"ayuu yidhi Afhayeenka xisbiga UDUB Cali Yuusuf (Cali Gurey) oo naqdiyayey xukunkii maxkamadda gobolka Hargeysa masuuliyiin ku xukuntay xukuno kala duwan.

"waxaan cadaynayaa anigu cadaalad daro aanu tolnahay ma jirto, mid aanu ilmaadeer nahay oo cadaalad daro samaynayaa oo aan ogolnahay ma jirto "ayuu Raaciyey afhayeenka xisbiga UDUB Cali Gurey.

Si kastaba ha ahaatee, dadweynaha magaaladda Hargeysa ayaa aragtiyo kala duwan ka bixiyey xukunkaasi ku dhacay saddexda masuul, iyadoo qaar taageersan iyo kuwa ka soo horjeedaaba ay jiraan xukunkaasi.

Barkhad-Ladiif M. Cumar
[email protected]
Hargeysa, Somaliland