4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 4 , 2012
RA'IISUL WASAARAHA SOOMAALIYA: "Turkiga iyo Somalia Waxaa ka dhexeeya xiriir dheer iyo dano Muhiim ah"

Isniin, June 04, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali oo u warramayay wakaaladda wararka Turkiga ee Anatolia isagoo dalkaas ku sugan ayaa sheegay in Turkiga iyo Soomaaliya ay yihiin laba dal oo shirko ah oo ay ka dhexeeyaan dano muhiim ah.

Sidoo kale, ra'iisul wasaaraha Soomaaliya C/weli Gaas wuxuu wargeysigiisa ku sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga uu yahay mid soo jiray muddo 500 oo sano ka badan.

"Waxaan jira dano badan oo nagala dhexeeya Turkiga, wax badan ayaana kala barannay," ayuu yiri ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo aan marna carrabka ku dhufan danaha ka dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya.

Ra'iisul wasaaruhu wuxuu sheegay in dowladda Turkiga ay caawisay shacabka Soomaaliyeed oo abaaro ay dhibaatooyin u geysteen, isagoo gargarka Turkiga uu u fidiyay Soomaalida ku tilmaamay mid aan la hilmaami karin.

Booqashadii ra'iisul wasaaraha Turkiga uu ku tagay Muqdisho bishii Ogoosto ee sannadkii hore ayuu ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ku tilmaamya inay xilligaas ahayd tallaabo muhiim ah.

Dowladda Turkiga oo sheegtay in ahmiyadda ugu weyn ee siyaasadooda arrimaha dibadda ay tahay sidii nabad loogu soo celin lahaa Soomaaliya; ayaysan haddana sheegin inay dano siyaasadeed oo gaar ah ka leeyihiin.

Ra'iisul wasaaraha Turkiga, Recep T. Erdogan ayaa sheegay intii uu ku gudo jiray booqashadii uu ku yimid Muqdisho sannadkii hore in qorshaha Turkiga uu yahay sidii ay calaamka intiisa kale u maqashiin lahaayeen codka Soomaalida.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya