4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 4 , 2012
Maxkamad Ciidamada oo xarun ka furatay deegaanka Ceelasha Biyaha iyo Ciidamada DKMG ah oo looga digay inay dadka dhibaateeyaan

Isniin, June 04, 2012 (HOL) — Maxkamadda ciidamada xoogga DKMG Soomaaliya ayaa Axaddii shalay xafiis ka furatay deegaanka Ceelasha-biyaha ee duleedka Muqdisho, iyadoo ciidamada dowladda looga digay inay dadka shacab ah ee ku nool inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye ay dhibaateeyaan.

Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada, G/sare Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in askarigii dhibaato u geysta dadka rayidka ah ee deegaannadaas ku nool la horkeeni doono sharciga xukunkiisa sida ugu dhaqsiyaha badan loogu qaadi doono.

"Ciidamada dowladda waa inay ka digtoonaadaan inay dadka shacabka ah dhibaato u geystaan, askarigii lagu soo qabto isagoo dad dhibaateeyay halkan ayaa lagu xukumi doonaa," ayuu yiri Col. Muun-gaab.

Maxkamadda la furay ayaa waxaa isla markiiba la geeyay ciidammo loo haystay inay dad shacab ah dhibaatooyin u geysteen, kuwaasoo dacwooyinkooda goobta lagu dhageystay inkastoo aan lagu xukumin.

Sidoo kale, guddoomiyaha maxkamadda ciidamada ayaa wuxuu ugu baaqay dhallinta ka tirsan Al-shabaab inay kasoo laabtaan, isagoo sheegay in dhaqan-celin loo sameyn doono, markaas kaddib ay dowladdu u abuurayso shaqooyin ay noloshooda ku dabbartaan.

"Dhallinyarada Al-shabaab weli ka tirsan waxaan ugu baaqayaa inay kasoo baxaan oo ay ka tanaasulaan ficillada ay muddada ku soo jireen. Ma jirto dhibaato la idiin geysanayo, waxaa jiri doona in muddo yar dhaqan-celin la idinku sameeyo, intaas kaddibna waxaa la idiin abuurayaan shaqooyin," ayuu yiri Xasan Muun-gaab.

Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada dowladda KMG ah ayaa wuxuu ka mid ahaa wafdi ka socday dowladda Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen wasiir u dowlaha wasaaradda gaashaandhigga iyo afhayeenka booliiska Soomaaliya kuwaasoo socod kusoo maray deegaannada loo barakacay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya