4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 4 , 2012
Kooxo hubeysan oo dilal iyo dhaawacyo u geystay Rakaab la socday Gaari Xamuul oo ay ku Weerareen Gobolka Mudug

Isniin, June 04, 2012 (HOL) — Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen kaddib weerar ay kooxo hubeysan ku qaadeen gaari ka amababaxay Gaalkacyo oo ku socday deegaanno kale oo gobolka Mudug ka tirsan.

Weerarkan oo dhacay xalay ayaa waxay kooxaha hubeysan ku weerareen gaariga deegaan lagu magaaabo Abaareey oo 15-km degmada Gaalkcyo kaga beegan dhinaca waqooyi.

"Afar qof oo rakaabkii ka tirsan ayaa ku dhaawacmay, tiro intaas ka badanna waxaa soo gaaray dhaawacyo," ayuu yiri mid ka mid ah shaqaalaha isbitaalka Gaalkacyo oo la keenay dhaawacyadii ka dhashay weeraraas.

Kooxaha hubeysan ayaa la sheegay inay rakaabkii gaariga la socday ee badbaaday iyo kuwii dhaawcmayna ay ka qaateen wixii ay wateen, dabadeedna baxsadeen, iyadoo saraakiisha maamulka Puntland ay sheegeen inay socdaan baaritaanno lagu raadinayo kooxihii weerarkaas geystay.

Ma jirto cid sheegatay inay mas'uul ka tahay weerarka, waxaana dadkii gaariga la socday ee ka badbaaday weerarkaas loo qaaday deegaannadii ay ku socdeen, iyadoo weerarkan uu imaanayo xilli dhawaanahan laga naxday weerarrada lagu qaadayo gaadiidka rakaabka wada.

Gobolka Mudug oo ku yaalla bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa tan iyo sannadkii hore ka dhacayay falal ammaan-darro oo qaarkood lagu waxyeelleeyay dad rakaab ah oo la socday gaadiid isaga goosha deegaannada gobolkaas.

Waxgaradka gobolka Mudug ayaa sheegay in burcadda weerarrada noocan oo kale ah u geysta gaadiidka ay inta badan yihiin kuwo doonaya inay dadka rakaabka ah ka qaataan waxyaabaha ay wataan, sida lacagta iyo alaabooyinka kale.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya