4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 4 , 2012
Maxkamadda Hargeysa oo xukuno kala duwan ku xukuntay masuuliyiin ku eedeysnaa lunsi Raashin mucaawimo

Isniin, June 04, 2012 (HOL) — Maxkamadda magaaladda Hargeysa ayaa xukuno kala duwan ku ridday shalay oo Axad ahayd masuuliyiin lagu eedeeyey inay lunsadeen deeq mucaawimo oo ku socotay dad masaakiin ah.

Dadkan la xukumay waxa ku jira saddexdii masuul ee mudadda dhawrka bilood ku xidhnaa jeelka dhexe ee magaaladda Hargeysa, kuwaas oo kala ahaa Badhasaabkii hore ee gobolka Hargeysa Axmed Cumar X. Cabdilaaho (Xamarji) oo lagu xukumay saddex sanno, Agaasimihii hore ee wasaaradda Dib u dajinta Axmed Cilmi Bare oo isna lagu xukumay saddex sanno, halka la taliyihii hore ee madaxweyne ku xigeenka Cismaan Siciid Jaamac lagu xukumay hal sanno iyo saddex milyan oo Somaliland shilling ah.

Sidoo kale, maxkamaddu waxay xukuno u dhexeeya afar sanno ilaa sideed sano oo xadhig ah ku xukuntay dad kale oo iyana falkan ku eedeysnaa, kuwaas oo qaarna xidhan yihiin qaarna iyago dibadda jooga la xukumay, waxaana ku jiray ragan la xukumay mulkiilihii Bakhaarkii la dhigtay Raashinkan la lunsaday iyo Ururkii Qandaraaska ku qaatay inuu Raashinkan dalka soo gaadhsiiyo.

Haseyeeshee, Garyaqaankii u doodayey saddexdan masuul Maxamed Saalax ayaa sheegay inuu Racfaan ka qaadanayo, isla markaana aanay ku qanacsanayn go’aankaasi maxkamaddu gaadhay.

Sidoo kale, waxa maanta agagaarka maxkamadda la dhoobay ciidan aad u badan, kuwaas oo sugayey amaanka maxkamadda iyo hareeraheedda, isla markaana looma ogolayn inay warbaahintu ka qaybgasho ama dhagaysato go’aankaasi maxkamadda gobolku gaadhay ee xukunada kala duwan lagu xidhay dad kala duwan oo ku eedeysan lunsi raashin mucaawimo ah.

Barkhad-Ladiif M. Cumar
[email protected]
Hargeysa, Somaliland