4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 30, 2012
Guddoomiyaha Imtixaanka Somalliland oo sheegay inuu Maanta Billowday Imtixaankii Shahaadiga ee Dugsiyada Sare iyo Dhexe
Sabti, June 30, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha guddida Imtixaanaadka Qaranka  Somaliland Md  Daa’uud Axmed Faarax  ayaa sheegay in si rasmi ah u saakka guud ahaanba dalka uu ka bilaabmay imtixaanka shahaadiga ahaa ee fasaladda afraad ee dugsiyada sare iyo fasaladda 8aad ee dugsiyadda dhexe.

Md Daa’uud Axmed faarax oo warbaahinta la hadlay maanta ayaa sheegay in dhamaan xarumihii, agabkii iyo hawl-wadeenadii loo diyaariyey xarun kasta oo imtixaan lagu galiyey, iyagoo 143 goobood ay ku gali doonaan imtixaanka dalka oo dhan.

“Waxaan idiin sheegayaa in Imtixaankii  saaka si wanaagsan uga wada bilaabmay gobolada iyo degmooyinka oo dhan”ayuu yidhi guddoomiyaha imtixaanaadka Somaliland.

Gudoomiyaha imtixaanaadka Qaran waxa uu sheegay inay dhamaan wada direen hawl wadeenadii iyo agabkii lagu galayey gobolada dalka, islamarkaana ay diyaar ku yihiin goobilhii loogu talogalay hawl wadeenadii, waxaanu ardayda ugu bushaareeyey guul iyo inay natijo fiican keenaan.

Gudoomiyaha Imtixaanaadka Qaranka waxaa uu hambalyo u direy ciidamada bileyska ee ka shaqaynaya ilaalinta iyo habsami u socodka imtixaanka iyo sidoo kele  waalidiinta iyo ardeyda,  “waxaan jeclahay inaan hambalyo u jeediyo hawl wadeenada ciidamada Bileyska, Waalidiinta iyo ardeyda ee hawshaasi dusha kaga dhacayso, waxaanan rajeynayaa in sidaasi qabow ee ay noogu bilaabantay ay inoogu dhamaato hadii Alle idmo” ayuu yidhi.

Md Daa’uud Axmed faarax ayaa sheegay in sanadkan ay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare iyo kuwa dhexe ee dalka u fadhiisanayan arday ay tiradoodu gaadhayso sideed iyo toban kun oo arday, kuwaas oo iskugu jira fasaladda sideedaad ee dugsiga dhexe iyo fasaladda afraad ee dugsiga sare, waxaanu sheegay in lix cisho uu socon doono dugsiyadda sare, halka kuwa hoosana saddex cisho.
 
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online  
[email protected]
Hargeysa, Somaliland