4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 30, 2012
Madaxweynaha DKMG Soomaaliya oo booqasho ku tagay degmada Balcad ee Gobolka Shabeellada Dhexe
Sabti, June 30, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho ku jooga degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe, halkaasoo toddobaadkii hore ay ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM kala wareegeen Al-shabaab.

Booqashadan oo noqonaysa tii ugu horreysay oo madaxweynaha iyo wafdigiisa oo ay ku jiraan wasiirro iyo xidlhibaanno ayaa waxay ugu kuurgalayaan xaaladda ka jirta degmadaas oo ay muddo sannado ah ka talinaysay Al-shabaab.

"Madaxweynuhu wuxuu gacan qaadayaa dadka degmada, waxaana lagu wadaa inuu kulammo la yeesho saraakiisha ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM ee degmada ku sugan," ayuu yiri mid ka mid ah xubnaha madaxweynaha la socda oo saxaafadda la hadlay.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali ayaa booqday Balacad isla maalintii ay ciidamada dowladda oo garabsanaya kuwa AMISOM gacanta ku dhigeen wuxuuna ra'iisul wasaaruhu sheegay in tallaabadan ay qayb ka tahay horummarada ay dowladda KMG ah ku tallaabsatay.

Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa lagu wadaa inuu booqashadiisa uu ka hadli markii uu soo gabagabeeyo, iyadoo degmadan ay noqonayso degmadii ugu horreysay ee ka tirsan gobolka shabeellada dhexe oo ay ciidamada dowladdu qabsadaan.

Degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose oo ay ciidamada dowladdu ka qabsadeen Al-shabaab dhammaadkii bishii lasoo dhaafay ayaa waxaa laba jeer oo isku xigta booqday madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo la xusuusto in markii uu soo dhameystay booqashadiisii ugu horreysay ee Afgooye lagu weeraray deegaannadfa u dhexeeya Afgooye iyo Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya