4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 3 , 2012
Hoggaamiyaha Kooxda Raaskambooni oo sheegay inay ku wajahan yihiin Magaalada Kismaayo iyo Degmooyin kale

Axad, June 03, 2012 (HOL) — Hoggaamiyaha kooxda Raaskambooni, Sheekh Axmed Maxamed Islaan (Sheekh Axmed Madoobe) oo wareysi siiyay BBC-da ayaa sheegay inay ka go'an tahay inay qabsadana guud ahaan gobollada Jubbooyinka.

Sheekh Axmed Madoobe ayaa sheegay in xaaladda degmada Afmadow oo ciidamada dowladda KMG ah, kuwa raaskambooni iyo ciidamada Kenya ay toddobaadkii hore kala wareegeen Al-shabaab ay tahay mid daggan, isagoo xusay inay horay u socon doonaan.

"Degmada Afmadow waa daggan tahay, dadkii horay uga baxay ayaa dib ugu soo laabanaya, marka waxaan ka tashaneynaa sidii aan maamul ugu sameyn lahayn," ayuu yiri Sheekh Axmed Madoobe.

Hoggaamiyahan oo ka jawaabayay su'aal ahayd halka ay ku wajahan yihiin ayaa sheegay inuusan fadhi u oolin oo ay doonayaan inay qabsadaan degmooyin kale oo ay ku jirto magaalada Kismaayo oo ah xarunta gobolka Jubbada hoose.

"Hadda fadhi nooma yaal, waxaa ku wajahan-nahay Xagar, Jilib, Bu'aale, Buulo-xaaji illaa Kismaayo... intaan halkaas ka gaareyno howlgalka waa soconayaa," ayuu yiri Sheekh Axmed Madoobe.

Sidoo kale, hoggaamiyaha Raaskambooni ayaan sheegin xilliga ay doonayaan inay ku duulaan Kismaayo, isagoo sheegay in go'aankooda uu yahay inay Kismaayo kala wareegaan Al-shabaab oo awood badan ku leh.

Hadalka Sheekh Madoobe ayaa imaanaya xilli uu dhawaan shalay sheegay wasiirka gaashaandhigga dalka Kenya in ciidamadooda oo ka mid noqday AMISOM uu yahay qorshahooda inay qabsadaan Kismaayo, balse wuxuu ka gaabsaday xilli ay noqon doonto.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya