4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 3 , 2012
Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo booqday Suuqa Bakaaraha oo burburin ay ka socotay iyo Suuq Bacaad

Axad, June 03, 2012 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha DKMG ah ee Soomaaliya, Cabdisamad Macallin Maxamuud iyo saraakiil ka tirsan dowladda KMG ayaa maanta kormeer ku tagay suuqa Bakaaraha iyo suuq Bacaad oo ah labada suuq ee ugu weyn Muqdisho, xilli ay suuqa Bakaaraha ka socotay burburinta dhismayaasha sharci-darrada ee suuqaas laga sameystay.

Kormeerka wasiirka iyo saraakiisha la socday ayaa wuxuu salka ku hayay sidii ay u ogaan lahaayeen howlaha lagu burburinayo dhismayaasha sharci-darrada ah ee ka laga sameystay suuqa baakaaraha iyo ammaanka suuq bacaad oo ah suuqa labaad ee Muqdisho.

"Dowladdu waxay suuqa Bakaaraha ugu talogalay inuu noqdo mid nidaam leh," ayuu wasiirku u sheegay ganacsatadii suuqyadan ku sugnaa, kaddib markii uu warbixinno ka dhageystay saraakiisha howlaha burburinta ah waday.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu ganacsatadii laga burburiyay goobahooda ganacsiga u sheegay in dowladdu ay siin doonto goobo ay ku ganacsadaan, isagoo ku boorriyay inay ciidamada ammaanka kala shaqeeyaan sidii nabadda suuqa lagu sugi lahaa.

Wasiirka ayaa sidoo kale booqday dhowr goobood oo ku dhow bakaaraha, isagoo markaas kaddib booqday suuq Bacaad oo ah suuqa labaad ee Muqdisho, halkaasoo uu kula kulmay ganacsatada iyo dadka deegaanka isagoo ku ammaanay kaalinta ay ka qaataan sugidda ammaanka.

Dowladda KMG ah ayaa waxay toddobaadyadii ugu dambeeyay wadday howlgallo ay ku burburinayso goobaha ganacsi ee aan sharciga ahayn oo laga sameystay gudaha suuqa Bakaaraha iyo sidii ay u adkeyn lahayd ammaanka labada suuq ee ugu weyn Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya