3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 3 , 2012
Ciidamada dalka Kenya oo si rasmi ah ugu biiray Xoogagga Ururka Midowga Afrika ee AMISOM

Axad, June 03, 2012 (HOL) — Ciidamada Kenya ee ku sugan Koonfurta Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biiray ciidamada AMISOM ee Soomaaliya (AMISOM), kaddib heshiis Sabtidii shalay lagu kala saxiixday xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa.

Kenya ayaa waxay ciidamadeeda kasoo tallaabisay soohdinta ay la wadaagto Soomaaliya bishii Oktoobar ee sannadkii hore, iyadoo tan iyo xilligaas dagaallo kula jirtay xoogagga Al-shabaab.

"Waxaan soo gabagabeynay qorshihiii ay ciidamadeennu uga mid noqon lahaayeen AMISOM," ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga Kenya, Yuusuf Maxamed Xaaji kaddib markii uu dhacay heshiiska is-afgaradka ah ee ay kala saxiixdeen Kenya iyo Ururka Midowga Afrika.

Bishii December ee sannadkii hore ayuu ururka Midowga Afrika wuxuu dadaal weyn u galay sidii ay ciidamada Kenya uga mid noqon lahaayeen howgalka nabad ilaalin ee ay kawadaan Soomaaliya.

Guddoomiyaha golaha ammaanka iyo nabadgalyada ee Midowga Afrika, Ramtane Lamamra ayaa soo dhaweeeyay ka mid noqoshada Kenya ay sida rasmiga ah uga mid noqotay ciidamada AMISOM, isagoo sheegay inay tani tahay mid horumar u ah dagaalka lagula jira Al-shabaab.

"Dhab ahaantii waxaan furmay qayb cusub kaasoo lagu dhameystirayo howgalka Midowga Afrika ee AMSIOM," ayuu yiri Lamamra oo warfidiyeenka la hadlay kaddib heshiiska dhexmaray Midowga Afrika iyo Kenya.

Wasiirka difaaca Kenya, Yuusuf Xaaji ayaa sheegay inay ku biirinayaan ciidamada AMISOM 4,631-askari, tiradaas oo ciidamada AMISOM ka dhigaysa 11,000, kuwaas oo u badan ciidammo ka socda dalalka Burundi iyo Uganda.

"Qorshaheennu waa inaan qabsanno Kismaayo, waayo masaafo dheer nooma jirto, laakiin idiinma sheegi karo xilliga aan qabsanayno," ayuu yiri Yuusuf Xaaji oo intaas ku daray. "Al-shabaab way burburtay waxaana laga qabsaday dhul ballaaran, balse ma dhihi karno xilli kooban ayaa Al-shabaab looga saari karaan halkan iyo halkaas. Waxaanse aad ugu rajo-weynahay in AMISOM ay dhameystiri doonaan dagaalka Soomaaliya."

Mr. Lamamra ayaa hadalkiisa ku daray in AMISOM ay diyaar u tahay inay howgalka Soomaaliya soo afjarto balse ay haysato qalab-yari, wuxuuna Qaramada Midoobay kula taliyay inay ka caawiyaan ciidamadooda dhinaca qalabka.

Ciidamada AMISOM oo howlgalkooda ka billaabay Muqdisho ayaa waxay hadda yihiin kuwo u muuqda inay ka howlgalayaan gobollada ku yalala Koonfurta, Galbeedka iyo Bartamaha Soomaaliya, iyadoo maalin ka hor ciidammo ka socda dalka Jabuuti la geeyay magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
6/3/2012 8:17 PM EST
Axad, June 03, 2012 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali ayaa kulan ballaaran la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Turkiga, gaar ahaana Ardayda wax ka barata Dugsiyada iyo Jaamacaddaha dalkan, waxa uuna xalay Jaaliyadda baray safiirka cusub ee dhowaantan dowladdu u magacowday dalkan Turkiga.

6/3/2012 6:24 AM EST
Axad, June 03, 2012 (HOL) — Odayaashii dhaqanka iyo ergooyinkii kale ee ururrada bulshada rayidka ah ka socday ee ka qaybgalay shirkii Istanbuul oo looga hadlay arrimaha Soomaaliya ayaa maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho.

6/3/2012 5:57 AM EST
Axad, June 03, 2012 (HOL) — Hoggaamiyaha kooxda Raaskambooni, Sheekh Axmed Maxamed Islaan (Sheekh Axmed Madoobe) oo wareysi siiyay BBC-da ayaa sheegay inay ka go'an tahay inay qabsadana guud ahaan gobollada Jubbooyinka.

6/3/2012 5:48 AM EST
Axad, June 03, 2012 (HOL) — Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, C/qaasim Salaad Xasan oo ku sugan dalka Masar ayaa soo dhaweeyay ka bixitaanka xilliga KMG ah iyo u gudbidda dowlad dhameystiran isagoo sheegay in taasi ay horseedaysay inay Soomaaliya u gudubto xaalad ka wanaagsan midda hadda ay ku jirto.

6/3/2012 5:33 AM EST
Axad, June 03, 2012 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha DKMG ah ee Soomaaliya, Cabdisamad Macallin Maxamuud iyo saraakiil ka tirsan dowladda KMG ayaa maanta kormeer ku tagay suuqa Bakaaraha iyo suuq Bacaad oo ah labada suuq ee ugu weyn Muqdisho, xilli ay suuqa Bakaaraha ka socotay burburinta dhismayaasha sharci-darrada ee suuqaas laga sameystay.

6/3/2012 5:13 AM EST
Axad, June 03, 2012 (HOL) — Saraakiisha dowladda KMG ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in ay isu soo dhiibeen rag katirsan Al-shabaab oo sitay hubka noocyada fudud iyo gaari uu saarnaa qori nooca loo yaqaan Dhishiikaha, waxaana ay sheegeen in ragaasi ay iska soo dhiibeen degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

6/3/2012 3:00 AM EST
Axad, June 03, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ee ku sugan degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa shalay gallinki dambe toogasho ku dilay nin ay sheegeen inuu ka tirnsaa Al-shabaab oo weeraray iyagoo dhaawacay mid kale oo la socday.