Jimco, June 29, 2012 (HOL) - Safiirka Soomaalida u fadhiya dalka Kenya Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) oo warbaahinta la hadlay ayaa ka codsaday dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya inay u diyaar garoobaan xuska sannad guuradii 52-aad ee kasoo wareegatay markii ay Soomaaliya noqotay Jamhuuriyad madaxbannaan.Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamed Cali Nuur (Ameeriko)
Cali Ameeriko ayaa sheegay in xuska lagu qaban doono gurigii hore ee safaarada Soomaalida oo ku yaalla Westlands agagaarka Spring Valley.
Safaarada Soomaalida ee magaalada Nairobi ayaa sannadkaan wada diyaar garow xoog leh iyadoo sannad waliba qabata dabaal dagyada lagu xusayo 1-da Luuliyo oo ah maalin ummada Soomaaliyeed ku wayn.
Waxaana safiirku uu sheegay in sannadkaan ay ku casumeen dabaal dagyada qaar kamid ah fanaaniinta waawayn ee Soomaalida oo ka imaanaya wadamo ku yaalla waqooyiga Ameerika iyo qaarada Yurub.
Dadweynaha Soomaalida ah eek u dhaqan magaalada Nairobi ayaa iyaguna laga dareemayaa inay wadaan dhaqdhaqaaqyo ay ku diyaar garoobayaan, sida iibsashada calamada iyo tolashada dhar u ku xardhanyahay midabka buluuga ah ee calanka Soomaaliya ay ka soocantahay qaramada kale. Axmed C/samad, Hiiraan Online [email protected] Nairobi , Kenya