4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 29, 2012
Madaxweynaha Puntland oo kasoo horjeestay qodobbadii kasoo baxay Shirki Sheekh Shariif iyo Axmed Siilaanyo dhexmaray
Jimco, June 29, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Sheekh Max'ed Faroole ayaa kasoo horjeestay qodobbadii kasoo baxay kulankii Dubai ku dhex-maray madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxmauud (Siilaanyo).

C/raxmaan Faroole ayaa ku tilmaamay qodobbadii kulankaas kasoo baxay uu yahay mid aan cidna tagayn, sidoo kalena kulanka ayuu sheegay mid iyaga u gaar ahaa oo aysan iyagu taageerayn.

"Shirkan dhexmaray labada mas'uul wuxuu ahaa mid iyaga u gaar ah, qodobbadii ka soo baxayna cid ay wax tarayaan ma jirto, danna uguma jirto Soomaaliya," ayuu yiri madaxweynaha Puntland.

Sidoo kale, madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in kulankaas uu ahaa mid ay ku doonayeen labada mas'uul inay isku sawiraan, wuxuuna hadalladii ay jeediyeen ku tilmaamay kuwo aanay dani ugu jirin Soomaaliya.

Mar ay BBC-du weydiisay inuu taageerayo kulanka markii ugu horreysay dhexmaray madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxweynaha Somaliland ayuusan sheegin inuusan taageersanayn, balse wuxuu sheegay in kulankaas marinkiisa laga leexiyay, uuna u dhacay si aanay filayn.

Hadalka madaxweynaha Puntland ayaa waxaa kasoo horjeestay xildhibanano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, iyagoo ku tilmaamay inuu yahay mid uu ku doonayo inuu ku carqaladeeyo wadahadallada u furmay Soomaaliya iyo Somaliland.

Kulankii madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland ee shalay ka dhacay Dubai ayaa waxaa laga soo saaray qodobbo ay ka mid yihiin la taageero qodobbadii kasoo baxay shirarkii London iyo Istanbuul iyo in lasii wado wadahadallada billowga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya