4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 28, 2012
Golaha Ammaanka ee QM oo sheegay in Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud aysan lug ku lahayn eedeymo horay loogu jeediyay
Khamiis, June 28, 2012 (HOL) — Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo kulan ay ku yeesheen magaalada New York ee dalka Mareykanka kasoo saaray go'aan ay ku sheegayaan in shirkadda isgaarsiinta Hormuud Telecom, aysan lug ku lahayn dhammaan eedeymihii horay loogu jeediyay.

Shirkadda Hormuud oo ka mid ah shirkadaha isgaarsiinta Soomaaliya ayaa waxaa horay loogu eedeeyay inay taageero dhaqaale siiso Xarakada Al-shabaab, iyadoo golaha ammaanku uu sheegay in baaritaanno la sameeyay lagu ogaaday in shirkaddu aysan wax lug ah ku lahayn eedeymahaas.

Go'aankan oo golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay uu soo saaray 26-kii bishan Juun ayaa looga bari-yeelay shirkadda dhammaan eedeymihii lagu eedeyyay, iyadoo ay horay golaha wasiirrada dowladda KMG ah u sheegeen in eedeymihii horay lasoo jeediyay ay yihiin kuwo aanay waxba ka jirin.

Wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ayaa kulan ay Muqdisho ku yeesheen 24-kii May ee sannadkan waxay ku sheegeen in baaritaanno ay la sameeyay ay muujiyeen in shirkaddu aysan lug ku lahayn eedeymihii loosoo jeediyay.

Sidoo kale, shirka golaha wasiirradu ay xilligaas yeesheen ayaa lagu caddeeyay in shirkadda Hormuud ay tahay qiime weyn ugu fadhida shacabka Soomaaliyeed, taas oo ay sheegeen inay ka shaqeeyaan 3,000 oo shaqaale ah.

Shirkadda Hormuud ayaa waxay ka howlgashaa Koonfurta Soomaaliya min Koonfurta Gaalkacyo illaa deegaanka Raas-kambooni, iyadoo inta u dhexeysa deegaannadaas ku leh xarumo isgaarsiineed.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya