4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 27, 2012
Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland oo sheegay inay qabteen Ruuxii ka dambeeyay dhaawaca Guddoomiyihii Maxkamadda Hargeysa

Arbaco, June 27, 2012 (HOL) — Taliyaha Booliska Somaliland Jen. Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa sheegay inay gacanta kusoo dhigeen ninkii ka dambeeyey toogashadii guddoomiyaha maxkamadda gobolka Hargeysa ee dhowaanta lagu toogtay bariga magaaladda Hargeysa.

Ciidamadda booliska oo muddo ku jiray baadhitaan dheer oo ay ku aqoonsanayeen ciddii ka dambaysay falkii isku dayga dil ahaa ee lagu dhaawacay 11-kii bishan Juun Guddoomiyihii Maxkamadda Gobolka Hargeysa C/Rashiid Maxamed Duraan, ayaa sheegay inay ku guulaysteen inay gacanta ku soo dhigaan, isla markaana maxkamadda loo gudbin doono ninkii falkaasi fuliyey.

"Tan iyo markii falkani dhacay waxa Ciidanka Boolisku ay ku jireen baadhis dheer oo aad iyo aad u miisaaman oo ay kiiskan ku hayeen xuuraan badan iyo dabo-gal si ay xaqiiqadda dhabta ah u helaan. Waxaan idiin sheegayaa inaanay ciidanka Boolisku aanay ka weecan raadkii ay bilowgiiba heleen."ayuu yidhi Taliyaha booliska oo warbaahinta u waramayey, waxaanu intaas ku daray "Baadhis dheer ka dib markii Ciidanka Boolisku ku qancay cidii falkaasi gashay horena waxa noogu xidhnaa dad sideed qof ah oo ku eedeysnaa inay falkaasi ku lug lahaayeen. waxaanu markiiba la xidhiidhnay odayaal laba dhinac ah iyo dad kale oo muwaadiniin ah, waxaanay ka hawl-galeen sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa dadkii falkaasi geysatay. Nasiib wanaag maanta oo bisha June tahay 26 waxa markii aanu arrintaasi u bandhignay ku qancay oo noo soo gacan geliyay odayaal laba dhinac ah oo ah kuwii eedeysanahaasi ka soo jeedeen."

Taliyuhu waxa uu sheegay in falkan gudomiyaha maxkamadda Gobolka Hargeysa lagu dhaawacay ay ku lug lahayd kiiskii dadkii lagu xukumay musuqmaasuqa Raashinka mucaawimadda ahaa. "Falkaasi Guddoomiyihii Maxkamadda lagu dhaawacay oo la xidhiidha kiiskii uu baadhayay ee la xidhiidhay raashinkii la musuqmaasuqay, sidaasi darteed waxaanu idiin sheegaynaa inaanu gacanta ku hayno cidii falkaasi geysatay oo aanu aqoonsanay."ayu yidhi Taliyuhu.

Taliyaha Ciidanka Boolisku wuxuu u mahad celiyay ninka falkan gaystay odayashooda oo uu sheegay in markii ay boolisku xaqiiqsadeen qofka uu yahay qofkii fuliyey falkaasi, una bandhigeen xaqooyinka ay hayaan ay odayaasha ninkan wax geystay ay gacanta usoo galiyeen booliska, waxa kale oo uu si weyn u bogaadiyey ciidamadii booliska ee ka hawlgalay baadhitaanka kiiskan ee ku guulaystay.

Taliyuhu ma sheegin magaca ninka lagu eedeyanyo inuu falkaasi sameeyey, wuxuuse ku gaabsaday in aanay shaqada boolisku ahayn inay sheegeen cidda uu yahay iyo magaciisa, balse ay u gudbinayana sharciga dalka.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland