4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 27, 2012
Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Talyaaniga oo isku soo taagay xilka Madaxnimo ee dalka

ITALY 1.jpg

Arbaco, June 27, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Talyaaniga, Cusman Maxamed Gacal ayaa ku dhawaaqay inuu yahay murashax u taagan ka qaybgala doorshooyinka madaxweyne ee Soomaaliya ee dhacaya bisha Ogoosto sannadkan.

Munaasabad ka dhacday magaalada Firene ee dalka Talyaaniga Sabtidii lasoo dhaafay ayuu kaga hadlay wax-qabadkiisa iyo wuxuu haatan damacsanyahay inuu u qabto ummadda Soomaaliyeed haddii la doorto.

Qudbad uu ka jeediyay goobta oo ay ku sugnaayeen boqolaal Soomaali ah oo isugu jirtay siyaasiyiin, aqoonyahano, culumaa'uddiin, dhallinyaro iyo haween iyo sidoo kale dad ajnabi ah ayuu ku sheegay inuu dalka gaarsiin doono hurmar dhaqaale oo baaxad leh.

Murashaxu wuxuu sheegay inuu wax weyn ka qaban-doono xagga ammaanka, dib-u-dhiska, dib-u-heshiisiinta iyo wanaajinta xiriirka siyaasadeed ee dalalka deriska ah, kuwa gobolka, qaarada Africa iyo dhammaan dalalka kale ee caalamka.

ITALY 2.jpg

Wakiillo ka socday maamullada Puntland, Gamudug, Khatumo iyo marti-sharaf kale ayaa iyaguna ka hadlay munaasabadda, waxayna dadki ka hadlay ay ku amaaneen murashaxaan hufnaan, daacadnimo iyo nin ay ku weyn tahay Soomaalida meel walba oo ay joogto.

Cusman Gacal ayaa muddo dheer ahaa guddoomiyaha jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Talyaaniga ku nool, isagoo xilkaas ka qabtay intii aysan burburin dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Muddadii uu ahaa guddoomiyaha jaaliyadda wuxuu caawiyey in ka badan 300,000-qof oo Soomaali ah kuwaasoo isugu jiray qoysas, waayeel, dhallinyaro iyo carruur kuwaasoo markii ay burburtay dowladdii Soomaaliya galay dalkaas.

Xubnihii ka hadlay munaabsadda ayaa murashaxan uu yahay nin Soomaalidu ay u siman tahay, sidoo kalena uu u soo dagaalamay raadinta xuquuqda mujaajiriinta Soomaaliyeed ee dalka Talyaaniga tagay.

Murashaxan ayaa wuxuu qayb ka noqonayaa murashaxiin fara badan oo Soomaali ah kuwaasoo u taagan xilka madaxnimo ee Soomaaliya, iyadoo madaxweynaha DKMG ah ee Soomaaliya uu sheegay inuu soo dhaweynayo murashaxiinta faraha badan ee isku soo taagaya xilka madaxweynimo ee Soomaaliya.

ITALY 3.jpg
ITALY 4.jpg
ITALY 5.jpg

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya