4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 25, 2012
Khilaaf salka ku haya Dastuurka oo soo dhexgalay Madaxda DKMG iyo Guddiga Qabyo Qoraalka Dastuurka
Isniin, June 25, 2012 (HOL) — Khilaafkan ayaa yimid kaddib markii guddiga madaxa-bannaan ee qoraalka dastuurka uu sheegay in madaxda DKMG ah ay u soo gudbiyeen dastuur kale oo ay sheegeen inay u gudbiyaan odayaasha ku shirsan Muqdisho, taasoo uu guddigu sheegay inay diideen.

Guddoomiyaha guddiga madaxa-bannaan ee qoraalka dastuurka Soomaaliya, C/llaahi Xasan Jaamac oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in qoraalka cusub ee loosoo gudbiyay uusan ahayn midkii ay iyagu diyaariyeen, balse uu yahay mid ay diyaariyeen guddi lagu dhisay magaalada Addis Ababa.

"Madaxda dowladda waxaan kula shirnay maanta xarunta madaxtooyada waxayna noosoo gudbiyeen qoraal ay sheegeen inuu yahay kii kama dambeysta ahayd oo ay soo diyaariyeen guddi Nairobi ku sugan, iyagoo naga dalbaday inaan u gudbinno odayaasha dhaqanka iyo culummada," ayuu yiri C/llaahi Jaamac.

Sidoo kale, guddoomiyuhu wuxuu sheegay in madaxda DKMG ay ka codsadeen inay kasoo fiirsadaan, markii ay shireenna ay go'aansadeen inaysan dastuurka madaxda DKMG ah aysan qaadi karin mas'uuliyadiisa oo aysan u gudbin karin odayaasha dhaqanka iyo culummaa'uddiinka.

"Axdiga KMG ah wuxuu dhigayaa in guddiga qoraalka dastuurka uusan ka mid ahayn dowladda, sidaa daraadeedna dastuurka aan diyaarinno aan u gudbino shacbka si ay u ansixiyaan," ayuu yiri guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee dastuurka.

Ugu dambeyn C/llaahi Jaamac wuxuu sheegay in dastuurka ay iyagu diyaariyeen ay odayaasha dhaqanka iyo culummada ay u gudbin doonaan dastuurka, isagoo xusay in nuqulka ay soo diyaarisay dowladda la sheegay inaan waxba laga bedeli karin waxna lagu dari karin.

Murankan cusub ee u dhexeeya guddiga madaxa-bannaan ee qoraalka dastuurka iyo madaxa dowladda KMG ah ayaa wuxuu imaanayaa xilli dalka Kenya lagu qabtay shir ay yeesheen saxiixayaasha khariidadda nabadda, kaasoo intiisa badan looga hadlay dastuurka, lana sheegay in laga gaaray heshiis dhameystiran.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya