4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 23, 2012
Bulshadda Somaliland oo aragti kala duwan ka bixisay Qodobaddii kasoo baxay Shirkii dhexmaray Somaliland iyo Soomaaliya

Sabti, June 23, 2012 (HOL) — Dadka reer Somaliland ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay Natiijaddii ka soo baxay wada hadalkii Somaliland iyo Somalia dhexmaray, iyagoo intoo badani qalbi furan ku soo dhoweeyey qodobaddaasi ka soo baxay shirkaasi.

Meelaha la iskugu yimaaddo ayaa dadku inta badani ku hadal hayeen wixii ka soo baxay labadda garab ee Somaliland iyo Somalia, iyadoo inta badan ay guul tirsanayeen shacabka Somaliland, wallow aanay guddidu ka wada hadal arrimihii ugu waaweynaa ee qadiyadda Somaliland ee madax banaanidda iyo midowga labadda dhinactoonna.

"Waxaa muhiim ah qodobka khuburadda loo soo kiraysanayo kuwaas oo Somaliland madax banaanideedda taageeri doona ama midnimo dambe taageeri doona, laakiin qodobkaasi waa muhiim, waana soo dhoweynaya in khuburadaasi lagu daro"ayuu yidhi Mukhtaar Suldaan oo ka mid ah dhalinyaradda Somaliland.

Maxamed Xaamud oo ka mid ah aqoonyahanka Somaliland ayaa sheegay in waxa laga wada hadlay ay ahayd wixii lagu heshiishka ahaa, balse ay hadhsan yihiin wixii Ad-adkaa, taasina ay tahay wax iska fudud "Horta waxay ka wada hadleen waa intii heshiishka lagu ahaa ee way hadhsan yihiin intii adkayd, waxa isna xusid mudan in war-murtiyeedka lagu soo saaray magaca Somaliland iyo Somalia, taas oo guul u ah Somaliland, waxaase dadku naqdinayaan sababta ay Somaliland wakhtigan ay dawladda ka jirta Somalia ee sii dhacayso wada hadalka loo bilaabay"

"Horta Somalia sidii lagu yaqaanay ee wadamo ajanabi ah ugu talin jireen ee loogu yeedhi jiray uun baa loo yeedhiyey oo la yidhi madaxweyneyaashuna meel heblaayo ayey ku shirayaan, ta labaad weftigii Somaliland markii ay baxayeen halkan waxay lahaayeen waxaanu ka soo wada hadlaynaa madax banaanideenna, balse arrimahaasi waa laga tuuray oo wax aan qorshaha Somaliland ku jirin ayaa laga wada hadlay in xidhiidh la sameeyo, in budhcad badeeda iyo argagixisadda lala dagaalamo, arrimahaasi waxay u muuqdaan uun in midnimo Somalia loo soo dhowaanayo mar haddii arrintii ugu weynayd laga wada hadal," ayuu yiri Maxamuud Xuseen oo aragtisiisa ka dhiibanayey qodobadan shirkaasi London ka soo baxay.

"Waan taageersanahay wixii ka soo baxay shirkaasi, waayo in badan bay Somalia sheegan jirtay dhulkan balse maanta haddii si siman loo wada fadhiistay waxa meesha ka baxday sheegashadii Somaliland waxaana loo wada hadlay laba dal oo siman"ayey tidhi Hooyo Sahra Cali oo ka mid ah hooyooyinka waaweyn ee magaaladda Hargeysa.

Garyaqaan Cabdiraxmaan Faysal oo isna aragtidiisa ka dhiibanayey waxa uu yidhi " arrinta ugu muhiimsani waa khuburadda la soo kiraysanayo, arrintaasi wax yar maaha, khuburo caalami ah oo arrimahan ka garnaqda oo siday wax u jiraan baadhaya waa loo baahan yahay, dhinacyo badanna way ka eegayaan, waxaana la qiimaynayaa dawladda ka jirta Somalia awoodda ay leedahay iyo xidhiidhka ay caalamka la leedahay iyo sidii loo midoobnay markii hore."

Si kastaba ha ahaatee, shacabka Somaliland ayaa guul u arka in laba dal loo kala qaaday, isla markaana caalamkii uu dhex fadhiyey markii ay wada hadlayeen, waxa sidoo kale aad loo soo dhoweeyey qodobka khuburada oo ay bulshaddu tilmaamayso inay Somaliland u dan tahay, oo khuburadaasi caalami ah eegayaan midowgii hore ee Somalia lala galay inuu sharci ahaa iyo in aanu sharci ahayn, taas oo ay sheegeen haddii ay eegaan in aan la helayn wax heshiish ah oo ay labadda dal wada galeen.

Sidoo kale, waxay dad badani dhaliileen qodobka sideedaad ee natiijaddii ka soo baxday wada hadalka, kaas oo tilmaamayey in Somalia lagu taageero in dawlada Somalia laga saaro ku meelgaadhka, taas oo dadku sheegeen in aanay ku meel gaadh iyo ku meelgaadh la’aani aanay khuseyn Somaliland, sidaa awgeedna qodobkaasi uu khalad ahaa in lagu soo daro wada hadalka.

Barkhad-Ladiif M. Cumar
[email protected]
Hargeysa, Somaliland