4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 23, 2012
Magaalada Muqdisho oo Dib u dhis iyo Ganacsi xooggan uu ka socdo kaddib Sannado badan oo ay dagaallo ka socdeen


Sabti, June 23, 2012 (HOL) — Magaalada Muqdisho oo ah xarunta Soomaaliya oo ay sannado badan ka socdeen dagaallo sokeeye ayaa waxaa ka socda dib u dhis iyo ganacsiga oo xoogeysanaya, iyadoo magaalada ay maalin walba soo gaaran dad kasoo laabanaya qurbaha.

Sannadkii ka hor jidadka Muqdisho waxaa ka dhacayay rasaas dhexeysay ciidamada DKMG ah oo gacan ka helaya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM iyo xoogagga Al-shabaab, waxayna dagaalladaas ay ku qasbeen inay guryahooda ka cararaan in ka badan hal milyan oo qof, sidoo kalena waxaa sare u kacay qiimaha raashinka lagu kala iibsado.

"Mar walba oo aad magaalada aaddo waxa keliya ee aad ka walwalayso waa inaad khatar ku dhacdo," ayuu yiri Maxamed Axmed oo ka mid ah dhallinyarada dibadda kasoo laabtay oo ganacsiga ka furtay Muqdisho.

Waddada Maka Al-Mukarama oo ah midda ugu mashquulka badan Muqdisho ayaa waxaa ka socda dayactirro xooggan, sidoo kale waxaa laga furayaa bankiyo iyo xawaalado, iyadoo maamulka gobolka uu muhiimad gaar ah siiyay soo celinta bilicda waddadaas.

Tan iyo markii ay Al-shabaab isaga baxeen Muqdisho waxaa dib ugu soo laabanayay dadkii horay uga barakacay, iyadoo bishii Ogoosto ee sannadkan uu booqasho ku yimid Soomaaliya ra'iisul wasaaraha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan taasoo ku qasabtay calaamka inuu mar kale dib u eego Soomaaliya.

"Soomaaliya waa waddan weyn," ayuu yiri Cabdulla Had Kokdaji oo ah xiriiriyaha barnaamijyada ee hay'adaha Turkiga. "Dagaallo ayaa ka socday muddo 20-sano ah kuwaasoo dhibaatooyin badan sababay. Laakiin waxaan u nimid sidii aan gacan uga geysan lahayn in dalkan laga dhigo mid wanaagsan."

Dowladda Turkiga ayaa waxay hay'ado badan u soo direen Soomaaliya sannadkii hore si ay u caawiyaan shacabka Soomaaliyeed oo la-daalaa-dhacyay abaaro xooggan oo ku dhuftay guud ahaan dalka.

"Sida aad arkayso waxaa magaaladan (Muqdisho) ka socda dib u dhis," ayuu yiri madaxa shirkadda dhismaha iyo qalabeynta ee shirkadda Star. "Qof walba wuxuu doonayaa Muqdisho ay noqoto meel nabadoon."

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Max'ud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa sheegay inuu jiray shaki weyn oo ku saabsan in Muqdisho ay howshan ka qaban karaan shirkadaha Soomaalida iyo bulshada caalamka.

"Shakigaas hadda meesha wuu ka baxay, shirkadaha Soomaalida iyagoo adeegsanaya xirfadahooda shaqo inay howl wanaagsan ka qabteen Muqdisho," ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Mid ka mid ah injeerrada shirkadaha dhismaha kawada Muqdisho oo lagu magcaabo, Jamaal Xuseen Cumar ayaa sheegay in maalin walba ay shaqaale qortaan, isagoo xusay in dhismayaasha ka socda magaalada ay yihiin kuwii ugu badnaa ee uu arko 20-kii sano ee ugu dambeeyay.

Sarifka lacagaha qalaad ayaa hoos u dhacay iyadoo halkii dollar hadda lagu bedelo 22,000 oo shilling Soomaali ah halkii uu horay uga ahaa 35,000 shillig Soomaali ah, iyadoo ganacsatadu ay ku sheegeen hoos u dhacan isbedel dhinaca dhaqaalaha.

Maalinta Jimcaha ah waxaa maalin walba taga xeebaha Muqdisho boqolaal qof oo doonaya inay ku dabaashaan, iyadoo xeebuhu ay ahaayeen kuwo maran muddo ka badan shan sannadood oo Muqdisho ay dagaallo ka socdeen.

Inkastoo Muqdisho ay tahay goob ka ammaan badan sidii ay ahayd sannad ka hor ayaa haddana waxaa ka dhaca dilal qorsheysan oo ay geysanayaan kooxo xiriir la leh Al-shabaab iyo qaraxyo ay dad badan ku dhintaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya