4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 23, 2012
Ciidamada Ammaanka Al-shabaab ee Maamulka Degmada Kismaayo oo gacanta kusoo dhigay Nin gacan ku dhiigle ah

Sabti, June 23, 2012 (HOL) — Ciidamada maamulka Xarakada Al-shabaab ee degmada Kismaayo ayaa gacanta ku dhigay nin gacan ku dhiigle ah kaasoo toori ku dilay nin kale.

Ninka eedeysanaha ah ee ay ciidamadu gacanta ku dhigeen ayaa lagu magacaabaa Ismaaciil waxa uuna toori ku dilay nin kale oo lagu magacaabo Max'ed C/raxmaan Sahal.

Mid kamid ah ehellada marxuumka dhintay ayaa HOL u sheegay in Ninka dilka geeystay uu ku jiro xabsiga dhexe ee magaalada Kismaayo, wuxuuna intaa ku daray in ay ka dalbadeen maamulka degmada Kismaayo in loo dilo ninka gacan ku dhiiglaha ah.

Saraakiisha saldhigga dhexe ee magaalada Kismaayo ayaa sheegay in ninka gacan ku dhiiglaha ah lasoo taagi doono maxkamad kadibna lagu fulin doono xukun qisaas ah.

Dilka ayaa la sheegay in uu ka danbeeyay kadib markii uu muran soo kala dhexgalay labada nin, waxaana ninka gacan ku dhiiglaha ah la sheegay in uu si xun toorida ula dhacay marxuumka geeriyooday.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya