4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 23, 2012
Maamulka Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose oo ka dayriyay xaaladda Qoysas Dan-yarta ah ee degmadaa ku nool

Sabti, June 23, 2012 (HOL) — Maamulka Degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose ayaa ka deyriyay xaaladda ay ku noolyihiin boqollaal qoys oo danyar ah, kuwaasoo degan magaalada Afmadow.

Gudoomiyaha maamulka Afmadow C/xakiim Cumar Xaaji oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xaaladda qoysaska barakacayaasha ee ku nool Afmadow ay tahay mid aad u liidato, islamarkaasina ay qoysaskaasi u baahanyihiin in lala soo gaaro kaalmo bniaadanimo oo deg deg ah.

Masuulkani ayaa ugu baaqay hay'adaha samafalka in ay sida ugu dhaqsaha badan ugu soo gurmadaan dadka ku dhibaateeysan Afmadow, isagoona xusay in ay damaanad qaadayaan ammaanka hay'adahaasi.

Degmada Afmadow oo ay dhawaan gacanta ku dhigeen ciidamada dowladda KMG, ururka Raaskaambooni iyo Militariga Kenya oo iskaashanaya ayaa waxa ku nool qoysas danyar ah oo ay saameeyeen abaarihii ku dhuftay dalka, iyo weliba dagaalladii ba'naa ee gobolka ku dhexmaray ciidamada huwanta ah iyo Al-shabaab, waxayna qoysaskani u badanyihiin haween, carruur iyo weliba dad da' ah.

Xaaladaha nolol xumo ee ka jira degmada Afmadow kasokow waxaa jirto dhibaatooyin caafimaad darro ah oo heysta dadka ku dhaqan degmadaasi, waxaana lagu soo waramayaa in ay magaaladaasi ka jiraan cudurro u badan kuwa ka dhasha nafaqo darrida oo lasoo darsay dadka danyarta ah ee ku dhaqan degmadaasi.

Xoogagga Al-shabaab oo iyagu sanado badan gacanta ku hayay degmada Afmadow ayaa hore waxa ay gobolka Jubada Hoose uga ceyriyeen hay'adihii samafalka ee ka howlgeli jiray, kadib awaamiir ka dhan ah hay'adaha samafalka oo kasoo baxday maamulka guud ee xarakada Al-shabaab.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya