4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 23, 2012
Sheekh Mukhtaar Abuu-Mansuur oo sheegay inuusan ka baqayn Mareykanka dagaalka uu ku jirana uu sii wadayo

Sabti, June 23, 2012 (HOL) — Afhayeenkii hore ee Al-shabaab Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali (Abuu-Mansuur) oo ka mid ah toddoba hoggaamiye oo Al-shabaab ka tirsan oo Mareynkanku uu madaxooda saaray madaxfurasho lacageed oo gaaraysa 33-milyan oo doollar ayaa sheegay inuusan ka baqayn Mareykanka uuna sii wadayo dagaalka uu kula jiro cadowga Islaamka.

Hoggaamiyahan oo ku sugan degmada Buur-hakaba ayaa sheegay in howshiisu ay tahay mid uu Islaamka ugu gargaarayo uusanna joojin doonin, isagoo sheegay inuu horay u ogaa in Mareykanku uu cadaawad weyn u hayo Al-shabaab.

"Mareykankanka waxaan u sheegayaa inaan jooga Buurhakaba, Salaadii Jimcahana aan ku tukaday halkaas, sidoo kalena aan Jimcihii hore ku tukaday masaajid ku yaalla deegaanka Tiyeeglow ee gobolka Bakool," ayuu yiri hoggaamiyahan ka tirsan Al-shabaab.

Sheekh Abuu-Mansuur ayaa wuxuu hadalkiisa ku daray inuu si ammaan ah u maro deegaannada uu kasoo jeedo ee Bay iyo Bakool, isagoo xusay inaysan marnaba ka suulayn dagaalka ay ku jiraan, uuna rajeynayo inay ka adkaan doonaan Mareykanka iyo xulufadiisa meel walba oo ay joogaan.

"Mareykanku wuxuu bansiin kusii shubayaa holaca dunida ka baxaya, isaga ayayna dhibaatada ugu weyn ugu jirtaa. Mar walba wuxuu sheegaa inuu argagixisada tiritayo balse isaga ayaa tirtirmi doona," ayuu hadalkiisa raaciyay.

Sarkaalkan ka tirsan Al-shabaab wuxuu sheegay in Mareykanku doonayo inuu cagta marayo muslimiinta caalamka, laakiinse isaga lagula dagaalamayo meel walba oo dunida ka tirsan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya