Shirkii saxiixayaasha Roadmapka uga soconayay Nairobi oo lasoo gabagabeeyay (DAAWO SAWIRRO)
Jimco, June 22, 2012 (HOL) - Saxiixayaasha Roadmapka oo kala ah, Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif
Sheekh Axmed, Ra'iisul wasaare C/wali Maxamed Cali Gaas, Gudoomiyaha
baarlamaanka Shariif Xassan Sheekh Aadan, Madaxweynaha Puntland
C/raxmaan Sheekh Maxamed, Madaxweynaha Galmudug Maxamed Axmed Caalin iyo
Wakiilka Ahlu Sunna Sheekh Maxamed Maxamuud Yuusuf ayaa shir ugu
dhammaaday magaalada Nairobi.
Shirkan oo loogu talagalay
markiisii hore inuu laba bari ku soo gabagaboobo ayaa saxiixayaasha
Roadmapka maanta ugu dhammaaday magaalada Nairobi ee xarunta dalka
Kenya.
Waxaana looga wada tashanayay horumarka
laga sameeyay khariirada nabadda ee Soomaaliya, gaar ahaanna arrimaha
dastuurka iyo soo afjarida Kumeel gaarka iyadoo maalin dheeri ah lagu
daray wakhtigii loogu talagalay in lagu soo afmeero kadib markii ay
dhinacyada Soomaalida isku khilaafeen arrimo dhowr ah.
Arrimaha
uu khilaafku ka taagnaa ayaa waxaa ugu wayn dastuurka qabyada ah ee
Soomaaliya iyo gudiyada kala duwan ee ka shaqaynaya dhammaystirkiisa.
Waxaana
ugu dambayntii ay ku heshiiyeen hogaamiyayaasha Soomaalida oo cadaadis
culus kala kulmay qaramada midoobay iyo beesha caalamka in guddigii uu
muranku ka dhashay ee farsamada magaciisa loo badalo guddiga fududaynta
arrimaha dastuurka uuna guddoomiyo wasiirka dastuurka Soomaali C/raxmaan
Xoosh Jibriil iyadoo gudigana la siiyay awood ah inuu u bandhigo
dastuurka golaha ansixinta ee loo yaqaano ( Constituent Assembly ) ,
kadib marka dastuurka wacyi galintiisa ay sameeyaan gudiga madaxabannaan
ee IFCC.
Waxaa kale oo lagu heshiiyay qodobadan hoos ku xusan iyadoo madaxda
Soomaalidu ay ku tilmaameen heshiiskii maanta mid taariikhi ah, oo
horseedi doona marxad cusub oo ay Soomaaliya gasho.
1. Protokoolada Dhameystirka Kumeelgaarka:
a) Saxiixayaasha Khariidadda Dhameystirka Xilliga KMG ah markay ka doodeen dib-u-eegidna ku sameeyeen dhameystirka KMG ah oo ay kasoo shaqeeyeen Guddiga Farsmo ee Dib-u-eegidda Dastuurka ee lagu soo dhisay heshiiskii Addis Ababa ee qabsiimay May 21-23, 2012, waxay isku raaceen saxiixeenna qodobada soo socda:
1. Protokoolka Guddiga Farsamo ee soo xulidda xubnaha baarlamaanka.
2. Protokoolka dhisaya Guddiga sahlaya socodsiinta hawlaha Farsamo (Technical Facilitation Committee).
3. Protokoolka dhisaya Ergeda Golaha Ansixinta Dastuurka (National Constituent Assembly).
4. Protokoolka dhisaya Baarlamaanka Federaalka ee Qaranka Somalia (National Federal Parliament).
Sidoo kale, Madaxweynaha DFKMG ah wuxuu
saxiixay Xeer ay goobjoog ka yihiin dhammaan Saxiixayaasha, Xeerkaasoo
ogolaanaya Protokoollada kor ku xusan oo dhisaya nidaam sharci ah oo
lagu dhamaystiro geedi-socodka Dastuurka Somalia iyadoo loo marayo
ansixin ku meel gaar ah (provisional adoption) ee Dastuurka Somalia oo
ay u codeenayaan Ergada Ansixinta Dastuurka.
2. Qabyo-qoraalka Dastuurka KMG ah
Saxiixayaasha ayaa si wadajir ah u saxiixay nuqulkii ugu dambeeyey ee
Qabyo-Qoraalka Dastuurka KMG ah oo ay soo dhamaystireen Guddiga Farsamo
ee Dib-u-eegida Dastuurka (Technical Revision Committee) ee Addis
Ababa. Kani hadda, waxaa weeye, Dastuur KMG ah ee Somalia. Guddiga kor
ku xusan magaciisa waxaa loo badalay Guddiga Farsamo ee Fududeynta
Howlaha (Technical Facilitation Committee), waxaana Gudoominaya Wasiirka
Arrimaha Dastuurka iyo Dib-u-heshiisiinta ee DFKMG ah.
Inta aan Qabyo-qoraalka Dastuurka KMG ah la hordhigin Ergada
Ansixinta Dastuurka, Hey’adda IFCC ayaa qaban doonta wacyi-gelin si loo
kordhiyo aqoonta Dadweynaha ee arrimaha Dastuurka KMG ah,
wacyigalintaasoo qaadan doonta muddo dhan 4-berri. IFCC ayaa
Qabyo-qoraalka Dastuurka KMG ah dib ugu celin doonto Guddiga Farsamo ee
Fududeynta Howlaha (Technical Facilitation Committee), Guddigaasoo ah
Guddiga leh mas’uuliyadda u bandhigidda Ergada Ansixinta ee
Qabyo-qoraalka Dastuurka KMG ah.
3. Ergada Ansixinta Dastuurka (National Constituent Assembly)
Shirweynaha Ergada Ansixinta Dastuurka ayaa
furmi doona 12 July 2012 wuxuuna soo xirmi doonaa 20 July 2012. Ergada
Ansixinta Dastuurka waxaa la kala dirayaa markii ay soo gabogabeeyaan
codeynta ansixinta KMG ah ee Qabyo-qoraalka Dastuurka, ka hor inta aan
loogu soo bandhigin Dadweynaha Soomaaliyeed cod-bixin toos ah.
4. Dhisida Guddiyada Dhamaystirka Xilliga KMG ah
Sida ku xusan Heshiiskii Addis Ababa, xubnaha Guddiyada hoos ku qoran ayaa la magacaabay:
a) Guddiga Farsamo ee Xulida (Technical Selection Committee)
b) Guddiga Dhexdhexaadinta Odayaal-Dhaqameedka (Elders Arbitration Committee)
c) Guddiga Farsamo ee Fududeynta Howlaha (Technical Facilitation Committee)
d) Xafiiska Xiriirinta ee Saxiixeyaasha (Roadmap Signatories Coordination Office)
Magacyada xubnaha Guddiyada kor ku xusan waxaa lagu soo uruurin
doonaa Dowladda Federaalka KMG oo si dhaqso ah ugu soo bandhigi doonto
Dadweynaha Somaaliyeed.
5. Wakhtiga ka dhiman Xilliga KMG ah
Saxiixayaasha ayaa si wadajir ugu heelanyihiin inay
ilaaliyaan wakhtiga kama dambaysta ah ee lagu go’aamiyey Heshiiskii
Addis Ababa, waxayna si wadajir ah u go’aansadeen in la dhamaystiro
Xilliga KMG ah iyo in la hirgaliyo hanaan siyaasadeed oo cusub oo
waafaqsan Dastuurka KMG ah oo ay u codeeyeen Ergada Ansixinta Dastuurka.
Waxaana hogaamiyayaasha Soomaalidu ay ballan qaadeen inay ka
go'antahay soo afjarida xilliga kumeel gaarka ah oo aysan jiri doonin
wakhti kororsi dambe.
Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya