4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 22, 2012
Xarakada Al-shabaab oo sheegatay inay Weerar gaadmo ah ku dishay Taliyihii Ciidamada DKMG ah ee Ceelasha Biyaha

Jimco, June 22, 2012 (HOL) — War ay Xarakada Al-shabaab soo saartay saacado ka hor ayay ku sheegtay in weerar gaadmo ah oo ka dhacay Ceelasha biyaha ay ku dileen taliyihii ciidamada dowladda KMG ah ee deegaanka Ceelasha biyaha, Afrax Cali Afrax.

Afhayeen u hadlay Al-shabaab ayaa sheegtay in taliyaha lala dilay dhowr askari oo la socday, dilkiisana uu dhacay xilli uu u gurmanayay gaadiid ay ciidamada DKMG ah oo lagu gubay meel ku dhow halka lagu dilay.

"Taliyaha waxaa lala dilay dhowr askari oo la socday, waxaana maydkiisa gacanta ku haya xoogagga Al-shabaab ee furliyay dilkiisa," ayuu yiri afhayeen u hadlay Al-shabaab oo sheegay in weerarkan uu qayb ka yahay qorshayaal ay kaga horjeedaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Ma jiro hadal kasoo baxay dhinaca dowladda oo ku saabsan dilka sarkaalkan, balse wuxuu imaanayaa iyadoo muddo hal bil ah ay ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM gacanta ku hayaan deegaannada loo barakacay ee Muqdisho iyo Afgooye u dhexeeya.

Dhanka kale, saraakiisha u hadlay Al-shabaab ayaa sheegay in isla deegaanka Ceelasha biyaha ay ku gubeen gaadiid ay wateen ciidamada dowladda KMG ah, iyagoo sheegay inay ku dhinteen ciidamadii la socday gaadiidkaas.

Inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxaa horay loogu weeraray gaadiid uu watay madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka yimid booqasho uu ku tagay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose oo ay la wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya