4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 22, 2012
Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo dadaal ugu jira inuu mar kale qabto xilka Madaxweynenimo ee Soomaaliya

Jimco, June 22, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay inuu yahay murashax u taagan xilka madaxnimo ee dalka Soomaaliya, kaddib kulan uu xalay kula yeeshay Nairobi Somaalida halkaas ku nool, isagoo rajo ka muujiyay inuu xilka madaxnimo ee Soomaaliya ku guuleysan karo.

"Waxaan ugu shaqeyn doonaa Soomaaliya haddii ay shacabka Soomaaliyeed mar kale ii doortaan xilka," ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya oo intaas ku daray inuu yahay murashax xilka u taagan.

Xilliga dowladda KMG ah iyo xilliga madaxnimo ee Sheekh Shariif ayaa ku eg bisha Ogoosto ee sannadkan, xilligaas oo la qorsheynayo in Soomaaliya u gudbto dowlad joogto ayna ka gudubto dowladda KMG ah.

Madaxweynaha Soomaaliya oo xilligan 47-jir ah ayaa waxaa xilka loo doortay 2009 xilligaas kaddib shir ka dhacay dalka Jabuuti oo isaga iyo xubnihii taageersanaa Isbahaysigii Asmara ay ku biireen dowladda KMG ah.

"Intii aan xilka madaxnenimo hayay waxaan go'aansaday inaan la dagaalamo argagaxisada, taasoo khatar weyn ku ah gobolka," ayuu yiri Sheekh Sharifi oo intaa raaciyay. "Waqtiga soo socda waxaan doonayaa inaan dalka dib u dhiso. waayo sharci la'aan ma ahan wax aan mustaqbalka doonayno."

Xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa waxaa u taagan murashaxiin fara badan oo doonaya inay xilkaas qabtaan, iyadoo mas'uuliyiinta dowladda ay iyaguna horay u sheegeen inay xilkaas u taagan yihiin markana ay tahay markii labaad.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya