4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 21, 2012
Wada hadalladii Somalia iyo Somaliland oo la soo gebagebeeyay, qodobbana laga soo saaray


Khamiis, June 21, 2012(HOL): Shirkii Somalia iyo Somaliland labada maalmood uga socday Magaalada London ee dalka Britain ayaa la soo gebagebeeyay, iyadoo shirkana ay soo baxeen qodobbo dhowr ah, kuwaasi oo ay labada dhinac ku heshiiyeen.

Qodobadda ay labada dhinac ku heshiiyeen ayaa waxaa ka mid ah

In labada madaxweyne ee labada dhinac ay si dhaqsi ah isu arkaan si ay horay ugu sii wadaan wixii qabsoomay iyo mustaqbalka waxyaabaha horyaalla.

In Wada hadallada Somalia iyo Somaliland ay sii socdaan, ayna ka dhex socdaan Somaliland iyo TFG ama dowladdii bedesha.

 In labada dhinac ay iska kaashadaan la dagaallanka argagixisada, burcad badeedda iyo cid kasta oo dooneyso  in ay sun ku aasto xeebaha Soomaaliya.

In ay si wadajir ah uga hortagaan wax kasta oo wiiqi kara wada hadallada labada dhinac u billowday.

In ay Beesha Caalamka  ugu baaqayaan in ay fududeyso in ay wada hadallada sii socdaan, ayna ku kordhiso khubarro dhinacyada dhaqaalaha iyo amniga ah.

In ay ku heshiiyeen in ay labada dhinaca is-dhaafsadaan wixii waayo-aragnimo ah oo ku saabsan la xiriirka beesha caalamka, gaar ahaan marka ay timaado arrimaha horumarinta, gargaarka bani’aadannimada  iyo caawinta dadka Somalia iyo Somaliland


Mustaqbalka dhow ayaa la filayaa in madaxda sare ee Somalia iyo Somaliland ay is-arkaan si wada hadallada hadda billowday horay loogu sii wado, waxayna wada hadalladani yihiin kuwo la soo wada dhaweynayo oo loo baahnaa in xilli hore ay billowdaan maadaama labada dhinac ay yihiin dad aanan u baahneyn in loo  kala turjumo.

Wada hadallada ay labada dhinac yeesheen ayaa waxay ka dambeeyeen shirkii February sanadkan lagu qabtay magaalada London ee looga hadlay arrimaha Soomaaliya, kaasi oo madaxdii ka qeybgashay ee caalamka ka socotay ay ugu baaqeen Somalia iyo Somaliland in ay wada hadallo yeesheen, si ay u dhammeeyaan mad-madowga dhexdooda yaalla.


Intii uu socday Shirkii 23-kii February ee sanadkan London ka dhacay ayay madaxdii ka qeybgashay ballanqaadeen in ay la dagaallami doonaan argagixisada iyo burcad badeedda bariga Afrika, hayeeshee dowladda Soomaaliya ayaa shirkaas  looga soo jeediyay dalab ah in waqtiga ka harsan xilliga KMG ah in ay ku soo af-jarto ama ay ku dhammeyso arrimaha roadmap-ka, si Soomaaliya loogu helo dowlad buuxda.

Waa wada hadalladii ugu horreeyay oo Somalia iyo Somaliland toos u dhexmaray tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay Somaliland gooni isaga taagtay Somalia inteeda kale, waxaana la rajeynayaa in haddii labada dhinac ay si daacad ah u wada shaqeeyaan ay ugu dambeynta soo baxdo natiijo wax ku ool ah.







Halkan ka fiirso Qodobada ay dhinacyadu ku heshiiyeen

Ibrahim Cumar Baafo, Hiiraan Online
Ibrahim.mohamed@hiiraancom
London, UK