4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 21, 2012
Tahriibayaal Soomaliyeed oo ku dhintay dalka Malaawi kaddib markii ay qallibantay doonidii ay ku safrayeen

Khamiis, June 21, 2012 (HOL) — Booliiska dalka Malawi ayaa sheegay in 47 ruux oo Soomaali ah ay maydadkooda kasoo saareen harada Malawi (Lake Malawi) welina ay ku maqan yihiin kuwo kale oo doonida la socday.

Doonidan oo booliisku ay sheegeen inay kasoo ambabaxay dalka Tanzania ayaa la rumeysan yahay inay la socdeen 60-qof, iyadoo doonida la sheegay inay harada si lama filaan ah u quustay Isniintii lasoo dhaafay.

Waddanka Malawi ayaa wuxuu marin u yahay kumannaan qof oo Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jira, kuwaasoo nolol dhaanta midda ay ku noolaayeen ka raadsanaya dalka Koonfur Afrika.

"Maydadka 47-qof ayaan illaa hadda soo saarnay, ma filayno inay jiraan dad ka badbaaday shilka, waayo biyaha ayaa aad u qabow waana xilli xagaa ah," ayay tiri afhayeenadda booliiska gobolka ay haradu ku taallo ee dalka Malawi, Norah Chimwala oo BBC-da la hadashay.

Afhayeenaddu waxay sheegtay in dadka weli ku maqan harada ay dhibteen sida ay qabaan, waxayna shilkan ku tilmaamtay mid aad u fool xun, iyadoo aan sheegin xilliga ay maydadka aasi doonaan.

Ms. Chimwala ayaa sheegtay in doonida ay sidoo kale saarnaayeen shixnado kala duwan, ayna filayaan in culeyska doonida oo xad-dhaaf noqday uu sababay inay ku dagto harada Malawi.

Lama oga inay dad kale oo ajnabi ah la socdeen doonida, waxaana sidoo kale ku dhintay shilkaan shaqaalihii doonidaas, iyadoo shilkan uu noqonaya kii ugu xumaa ee sannadkan ka dhaca harada Malaawi.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya