4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 21, 2012
Muwaadin Ciidamadda Boolisku Somaliland xidheen oo sheegay in alaabtiisa qayb ka mid ahi maqan tahay, meel uu u raadinaya aanu garayn


Khamiis, June 21, 2012 (HOL) — Idiris Siciid Maxamed oo muwaadin Qurbo-joog ah oo marti ku ahaa guri habeen dhawayd Ciidamadda Boolisku baaray ayaa sheegay in illaa hadda alaabtiisa ay bari maqan tahay, isla markaana meel uu u dacwooda iyo cid haysa aanu garanayn, kaddib markii qoloba-qolo ku tuurtay.

Idiris Siciid Maxamed oo Qurbo joog reer Burco ah ayaa sheegay inuu doonayo inuu u tago hooyadii oo ku xanuunsanaysa Burco balse ay ilaa hadda waraaqiihiisii, lacag iyo alaab uu leeyahay wali ka maqan tahay, isla markaanna meel uu hantidiisaa u raaco aanay hayn wax uu samaynaya aanu garanayn.

Idiris ayaa ka mid ahaa Saddex qof oo dhowaan gurigan Hawl-gal ka sameeyeen ciidamadda la dagaalanka Argagixisaddu ay ka soo xidheen, balse markiiba la siidaayey, balse sheegay in alaabtiisa wali badh ka maqan tahay.

" Anagu waxaanu ahayn qurbo joogii dawladda lacagta usoo ururin jiray ee dibadda dadka jooga usoo ururin jiray, taasina waxay abaalkayagii noqotay in la noo soo dhaco habeen badh oo ay na xidhaan, oo ilaa hadda aanay noo sheegin waxay nagu xidheen, Labtopkaygii iyo waxaygii oo dhani way iga maqan yihiin, waaran la’aan bay nagu xidheen wax aanu samaynay ma garanayno, meel aanu u raacno ma garanayno waxa naga maqan"ayuuu yidhi Idiris Siciid.

" anagoo saldhiga ku xidhan uun baa magacayaga la yeedhiyey oo soo baxa la yidhi, cid na waraysatay iyo cid wax na waydiisay ma jirto ee sidaan saldhiga u galnay uun baa la na siidaayey"ayuu raaciyey Muwaadinka Boolisku xidheen oo ka waramayey qaabka loo sii daayey.

Muwaadinka qurbojooga ah Idiris Siciid ayaa ka mid ahaa saddex qof oo laga soo xidhay guri dhowaan hawl-gal ka sameeyeen ciidamadda Booliska, kuwaas oo baadhitaan ku sameeyey balse markiiiba siidaayey, waxaase ku doodayaan inay wali alaabtooddii ka maqan tahay.

Barkhad-Ladiif M. Cumar
[email protected]
Hargeysa, Somaliland