4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 21, 2012
Hay'adda MSF oo sheegtay in Xeryaha Qoxootiga Dhadhaab-Kenya aysan ahayn goob Ammaan ah oo lagu Noolaan karo

Khamiis, June 21, 2012 (HOL) — Hay'adda dhaqaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay maanta oo Khamiis ah waxay ku sheegtay in xeryaha qoxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya ahayn goob magangalyo ahaan loo joogi karo.

MSF ayaa warka ay soo saartay waxay ku sheegtay in xeryahaan ay weli jiraan dad Soomaaliyeed oo soo gaaraya, kuwaasoo u badan caruur iyo haween, waxayna ku dartay intaas inay joojinaysay dhammaan howlihii samafalka ahaa ee hay halkaaas ka wadday marka laga reebo kuwa naf-badbaadinta ah.

"Dhadhaab waxay leedahay magac ceebeed ah inay tahay xerada qoxooti ee ugu weyn dunida. Shanteeda xero ee kala ah: Dhagaxley, Ifo, Xagar-dheer, Ifo II iyo Kaambi-caws waxay hoy u yihiin 465,611 qof oo qaxooti diiwan-gashan ah iyo kumannaan kale oo la diiwaan-gelin. Dadkaasna afar meelood saddex waa caruur ay dad'oodu ka hoosayso 12-sano, haween iyo dad waayeel ah," ayay hay'adda MSF ku sheegtay warsaxaafadeedkeeda.

Xeryahan oo loogu talogalay markii hore inay KMG ahaadaan ayay sheegtay inay labaatan sano jirsadeen, iyadoo dadkii halkaas magan-galyada u tahay ay ka dhigteen hoy joogto ah.

"Iyadoo warbaahinta dunida iyo beesha caalamka ay ilaaween xeryahan, ayaa xilli yar oo xagaagii 2011-dii waxaa mar qura qabtay indhaha dadweynaha, markii laga qaaday sawirro ay ka muuqdeen qoxooti tabaaleysan iyo carruur nafaqa-xumo la il-daran. Lacago degdeg ah ayaa lasoo fasaxay, hay’adaha gargaarka waxay dardar-geliyeen dadaalladoodii, laba xero dheeraad ahna waa la furay," ayay MSF ku tiri warka ay soo saartay.

Hay'addu waxay hadalkeeda ku dartay: "Laakiin dareenkii la siiyay qaxootiga wuxuu noqday mid muddo kooban ah, xagaagii hore guulihii la gaaray dib ayay u noqdeen. Dagaallada Soomaaliya ayaa soo gaaray xerooyinka, taasoo ka dhigay Dhadhaab meel aamin beeshay,"

Sidoo kale, MSF waxay sheegtay in ammaanka Dhadhaab uusan ka soo reyneynin, inta isku dhacyadu ay ka dhacayaan xuduudaha, weerarrada bambooyinka ahina ay socdaan, dilka ka dhacaya xeryaha dhexdoodana ay nolosha sii adkeynayaan.

"Ammaan-darrada Dhadhaab ka jirta waxay kalliftay in hay’adaha gargaarku ay dhib kala kulmaan sidii ay u gudan-lahaayeen howlahooda. xaaladda oo sii xumaanaysa maalinba maalinta ka dambeysa ayaa waxay caqabad weyn ku noqotay gudbinta gargaarka bani'aadamnimo," ayay MSF tiri.

Qaxootiga ku jirta xeryaha Dhadhaab waxay Soomaaliya kala soo kulmeen dhibaato ay ka mid yihiin gaajo iyo ammaan-darro; waxayna natooda halis u soo geliyeen inay Kenya yimaadaan si ay u helaan ammaan, hoy iyo gargaar bani'aadamnimo oo ku filan, waxayse xeryaha ku ogaadeen inaysan ahayn meel magangalyo laga heli karo.

Hay'adda MSF waxay warsaxaafadeedkeeda ku sheegay in xalaado caafimaad oo aad u daran ay ka jiraan xeryaha qoxootiga ee Dhadhaab, kaddib ammaan-darrada jirta awgeed loo xiray isbitaallo badan oo xeryahaas ka shaqeyn jiray.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya