4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 21, 2012
Ehellada Askari ay Maxkamadda Ciidamada DKMG ku Xukuntay Degmada Afgooye oo ka cabanaya qaabka uu xukunku u dhacay

Khamiis, June 21, 2012 (HOL) — Ehellada askari ka tirsan ciidamada dowladda KMG ah oo maxkamadda ciidamada dowladdu ay ku xukuntay dil toogasho ayaa ka cabanaya qaabka uu xukunku u dhacay, iyagoo sheegay in xukunkaas uu ahaa mid aan cadaaladda waafaqsanayn.

Askariga la xukumay oo lagu magacaabo, Maxamuud Xuseen Maalin ayaa waxay ku eedeysay maxkamaddu inuu ku dilay rasaas uu ku furay gaari kuwa rakaabka ah oo Afgooye ka ambabaxay haweeney lagu magacaabi jiray Zeynab Faarax Takar uuna ku dhaawacmay laba haween ah oo kale.

"Xukunku wuxuu ahaa mid cadaalad-darro ah, sidoo kalena aan lagu sameyn baaris dhameystiran," ayay yiraahdeen ehellada askariga, iyagoo sheegay in arrintan ay u muuqato in askariga dambi looga dhigay amar horay loo siiyay.

Dilka haweeneyda rayidka ah iyo dhaawaca labada kale ayaa wuxuu dhacay Jimcihii lasoo dhaafay iyadoo maxkamadduna ay xukuntay askariga Axaddii, iyadoo ehelladu ay ku sheegeen in taasi ay caddeyn u tahay in xukunka lagu deg-degay.

"Waxaan diyaar u nahay in baaris dhameystiran oo cadaaladeed lagu sameeyay sida uu falku ku dhacay, haddii uu askarigu dambi yeeshana la xukumo, haddii kalena la siiyo xorriyaddiisa," ayay ehellada askarigu ku sheegeen cabashadooda.

Ma ahan markii ugu horreysay oo cabasho ay ka timid xukunno ay ridday maxkamadda ciidamada qalabka iyadoo haya'daha xuquuqda aadanaha ay dhowr jeer sheegeen in xukunnada maxkamada ciidamadu aysan ahayn kuwo si cadaalad ah ku dhaca.

Horraantii bishan ayaa askari ka tirsan ciidamada dowladda KMG ah wuxuu darawal ku dilay isgoyska KM-4, iyadoo askarigii falkaas geystay aan la qaban, iyadoo aan la garanayn sababta loo horkeeni waayay cadaaladda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya