4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 20, 2012
Odayaasha Dhaqanka ee ku shiraya Muqdisho oo ku Taliyay in Tirada Baarlamaanka laga dhigo 275-xubnood

Arbaco, June 20, 2012 (HOL) — Odayaasha-dhaqanka ee ku shirsan Muqdisho ayaa isku raacay labo qodob oo kasoo baxay shir maalmahan uga socday Muqdisho, iyadoo sheegay inay goa'anka ay gaareen ay u gudbinayaan beesha caalamka iyo Soomaaliya.

Go'aannada ay odyaashu isku raaceen ayaa waxaa ka mid ah aqalka sare oo ay ku mideysan yihiin odayaasha Soomaaliyeed iyo qodob kale oo ah in baarlamaanka laga dhigo 275-xubnood, lana bedelo go'aankii hore ee madaxda Soomaalida ay gaareen oo ahaa in laga dhigo baarlamaanka 225-xubnood.

"Qodobbada la isku raacay waxaa ka mid ah in baarlamaanka tiradiisa laga dhigo 275-xubnood iyo in la sameeyo aqal sare ee odayaasha Soomaaliyeed oo ka kooban 135 xubnood," ayuu yiri Maxamed Xasan Xaad oo saxaafadda warbixin ka siiyay qodobbadii kasoo baxay shirkooda.

Odayaasha-dhaqanka ayaa waxay maalmahan kulammo ku lahaayeen Muqdisho, iyadoo maalin ka hor uu booqday ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali oo ka dalbaday inay soo dedejiyaan liiska ergada ansixinta dastuurka KMG ah ee Soomaaliya.

"Haddii tirada baarlamaanka laga dhigo 275 waxaa looga fogaanayaan dhibaatooyin dhici kara, waayo dowladihii hore ayaa kusoo shaqeeyya tiradan waxaana middan u aragnay inay xal tahay," ayuu yiri Maxamed Xaad.

Isagoo ka jawaabayay su'aala ahayd in go'aannadan ay kasoo horjeesan karaan dhinacyada siyaasadda Soomaalida ayaa wuxuu sheegay in odayaasha dhaqanka ay yihiin kuwo uu gacantooda ku jiro aayaha dalka aysanna ka suurogalayn inay soo saaraan qodobbo dhibaato abuuri kara.

Odayaasha dhaqanka oo looga fadhiyay inay soo xulaan ergada ansixinta dastuurka iyo soo xulidda baarlamaanka cusub ayaa waxay soo saareen go'aankan, kaasoo aan la ogeyn sida ay uga jawaab celin karaan madaxda Soomaalida iyo kuwa kale ee siyaasaddu ay kala dhexeyso.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya