4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 19, 2012
Wasiirka Gaashaandhigga Kenya oo loo magacaabay sii-hayaya Wasaaradda Amniga Gudaha iyo Xiriirka Gobollada Kenya

Talaado, June 19, 2012 (HOL) — Madaxweynaha dalka Kenya, Mwai Kibaki ayaa u magacaabay wasiirka gaashaandhigga Kenya, Maxamed Yuusuf Xaaji inuu noqdo sii hayaha xilka wasaaradda ammaanka gudaha iyo xiriirka gobollada ee Kenya, kaddib markii wasiirkii hore ee wasaaraddan uu ku dhintay shil diyaaradeed.

Wasaaradda Gaashaandhigga iyo wasaaradda ammaanka gudaha ee Kenya ayaa waxay ahaayeen laba wasaaradood oo si wadajir ah ugu lug lahaa howgallada ay ciidamada Kenya ka wadaan gudaha Soomaaliya.

Toddobaadkii hore ayuu shil diyaaradeed oo ka dhacay duleedka Nairobi waxaa ku dhintay wasiirkii hore ee wasaaradda ammaanka gudaha Kenya, Prof. George Saitoti, ku xigeenkiisii Orwa Ojode iyo afar ruux oo kale oo ay ku jiraan labadii duuliye.

Yuusuf Xaaji oo ay si dhow u wadashaqeyn jireen Saitoti ayaa soo dhaweeyay xilka loo magacaabay inuu sida KMG ah u sii hayo, waxaana sidoo kale tallaabadan laga soo dhaweeyay gobolka uu kasoo jeedo ee waqooyi-bari ee Kenya.

Dowladda Kenya ayaa waxay tan iyo sannadkii hore dhammaadkiisa kula dagaalamaysay gudaha Soomaaliya xoogagga Al-Shabaab, waxayna mas'uuiyiinta Kenya horay u sheegeen in qorshahoodu yahay inay qabsadaan Kismaayo.

Ciidamada Kenya ee ku sugan Koonfurta Soomaaliya ayaa waxay horraantii bishan si rasmi ah ugu biireen ciidamada AMISOM, kaddib markii heshiis arrintaas ku saabsan ay kala saxiixdeen Kenya iyo Midowga Afrika.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya