4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 18, 2012
Mas'uuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan oo ka hadlay weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Baladweyne 18, June, 2009

Isniin, June 18, 2012 (HOL) — Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan ayaa maanta magaalada Beledweyne ku qabtay baroordiiq loo dhigay sanad-guuradii sadaxaad ee kasoo wareegatay weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee 18, June, sanadkii 2009 ka dhacay magaalada Beledweyne.

Munaasabada oo ka dhacay hoteelka Madiina oo ah halkii ka dhacay weerarka Ismiidaaminta ah ayaa waxaa ka soo qeyb-galay xubno ka tirsan maamulka gobollka Hiiraan, mas’uuliyiin waqtigaa ka badbaaday weerarka Ismiidaaminta ah, iyo qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka.

Axmed Cismaan Cabdalla (Inji) oo ah ku-xigeenka arrimaha nabad-galyada maamulka gobollka Hiiraan kana mid ahaa shaqsiyaadkii waqtigaa sida xun ugu dhaawacmay weerarka ayaa sheegay in maanta oo kale xusuus gaar ah u leedahay, maadaama uu ka mid ahaa dadkii lagu bartilmaameedsaday hasse ahaatee ka badbaaday.

"Aad ayaan uga xumahay wixii maalintaa dhacay, waxaana leeyahay maalintaas waxaa baxay oo aan weynay dad nagu qaali ahaa dhinac kasta marka la eego, mana u maleynayo in dalkooda Jano lagu galayo, waayo waxaan xasuustaa oo aan ogahay intooda badan in ay u diyaar-garoobayeen tukashada salaada Duhur,’’ ayuu yiri Axmed Cismaan Inji.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadllay guddoomiyihiin hore ee gobollka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagara-dabageed oo isagana sheegay in uu watigaa ka mid ahaa dadkii ka badbaaday weerarka, isaga oo intaa ku darray in uu wali sii xasuusto shaqsiyaadkii ku dhintay weerarka Ismiidaaminta ahaa.

Intii ay munaasabadu soctay waxaa goobta laga aqriyay oo laga sheegay magacyada dadkii ku dhintay weerarka, waxaana ka soo qeyb-galayaasha u aqriyay magacyada dadkii geeriyooday Col Towane Axmed Gurey.

Bishii June 18-keedii sanadkii 2009-kii, maalin Khamiis ah ayay ahayd markii weerar Ismiidaamin ah oo ay sheegteen Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab lagu dillay dad ka badan 70 ruux oo isugu jiray mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, Aqoonyahanno, Saraakiil ciidan, odayaal dhaqameed, iyo Abwaano, waxaana dadkii waqtigaa dhintay ka mid ahaa wasiirrkii wasaarrada Amniga dowladda KMG Cumar Xaanshi Aadan, iyo C/kariin Faarax Laqanyo.

Dhawaan ayeey aheyd markii uu maamulka gobollka Hiiraan dhagax dhigay taalo laga dhisanayo goobtii uu ka dhacay weerarka Ismiidaaminta ah, taasoo lagu xasuusan doono dadkii maalintaa dhintay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya