4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 18, 2012
Taageerayaasha Akhwaanul Muslimiinta Masar oo sheegay in Hoggaamiyahooda uu ku guuleysaty doorashadii Madaxnimo ee dalkaas

Isniin, June 18, 2012 (HOL) — Xisbiga xorriyadda iyo cadaaladda ee dalka Masar oo ay leeyihiin ururka Akhwaanul Muslimiin ayaa sheegay in hoggaamiyahooda uu guul ka gaaray doorashooyinkii madaxnimo ee labadii casho ee lasoo dhaafay ka dhacay dalkaas.

Doorashadan ayaa waxaa ku tartamayay Axmed Shafiiq oo ahaa ra'iisul wasaarihii ugu dambeeyay ee dalka Masar iyo Maxamed Mursi oo ka socday xisbiga ay leeyihiin Akhwaanul Muslimiin.

Wakiilka doorashada uga qaybgalay Mursi ayaa sheegay inuu si aad ah ugu horreeyo doorashada, uuna helay codad gaaraya 13-milyan iyo dhowr boqol oo kun, iyagoo sidoo kale sheegay in murashaxa la tartamayay uu isaguna helay 13-milyan iyo dhowr boqol oo kun oo codad ah.

"Dhammaan dadka halkan (Masar) ku nool waan salaamayaa, mahad waxaan u celinayana intii codka i siisay iyo intii aan i siin. Waxaan ahaan doonaa aabbihiin, walaalkii iyo ehelkiinna, mana dhici doonto in cid gaar ah laga aarsado," ayuu yiri Maxamed Mursi.

Sidoo kale, hoggaamiyahan wuxuu sheegay in sharciga dalka Masar ay u sinnaan doonaan shacabka Masar oo dhan, isagoo sheegay inuu doonayo inuu isku hayo dadka Masar sidii iyagoo hal guri ku nool.

Taageerayaasha murashaxa Axmed Shariiq ayaa sheegay inay tahay in laga sugo guddiga doorashada natiijada rasmiga ah ee ku aaddan cidda guuleysatay, iyagoo aan sheegin marna inay doorashada ku guuleysteen iyo inay ku guuldarreysteen.

Masiixiyiinta ku nool dalka Masar ayaa waxay walaac xooggan ka qabeen inuu xilka madaxnimo ee dalkaas ku guuleysto murashaxa ka socday xisbiga Akhwaanul Muslimiin, basle hadalka uu jeediyay ayaa u muuqdaa mid laabta u qaboojinaya.

Guddiga doorashooyinka dalka Masar ayaa lagu wadaa inay maalinta Arbacada ah ee soo socota ay ku dhawaaqaan murashaxa sida rasmiga ah ugu guuleysay doorashada dalka Masar, taasoo noqon doonta midda kala saarta labada murashax ee tartamayay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya