4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 17, 2012
Maamulka Gobolka Banaadir oo maanta kulan laqaatay Agaasime yaasha idaacadaha Muqdisho ka howlgala

Xafiiska Warfaafinta maamulka Gobolka Banaadir
Mogadishu-Somalia.

17, June  2012, Axad War-saxaafaddeedka maamulka gobolka Banaadir, Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta kulan ku aadan ilaallinta shuruucda Saxaafadda gobolka la qaaday masuuliyiinta Idaacaddaha ka howlgal gala gobolka Banaadir, iyadoo gabagabada kulankaasina lagu kala saxiixday heshiis ay kuwada shaqeynayaan warbaahinta iyo maamulka gobolka.

Kulan waxaa shir guddoominayey ku xiggeenka G/gobolka dhinaca maamulka iyo  Maaliyadda mudane iimaan Nuur iikar, waxaa sidoo kale madasha ku sugnaa Afhayeenka G/Banaadir Mudane Maxamed Yuusuf Cismaan iyo xog-hayaha guddoomiyaha G/ Banaadir, mudane C/laahi Maxamuud Cali, kulanka waxa uu ka dhacay xarunta gobolka Banaadir, waxaa ka soo qeyb galaya masuuliyiinta 16, Idaacaddood,  iyadoo intii uu socdayna kulankamasuuliyiinta Idaacaddaha Muqdisho iyo madaxda maamulka ay is weedaarsadeen ooraah ku aadan dhabbaha lagu xoojin karo wada shaqeynta ka dhaxeysa.

Madaxda Idaacaddihii kulan ka soo qeyb gashay, waxa ay u mahad celiyeen Afhayeenka G/ Banaadir, isla markaana waxa ay  arrin wanaagsan ku tilmaameen, in markii ugu horeysay ay kulan yeeshaan maamulka gobolka, iyagoo ballan qaaday in ay si joogta ah ulla shaqeyn doonaan maamulka G/Banaadir.



Afhayeenka G/Banaadir mudane Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa dhinaciisa ka hadlay waxyaabaha looga baahan yahay masuuliyiinta warbaahinta, waxa uuna tilmaamay in waajib uu ka saaran yahay illaalinta danta shacabka Soomaaliyeed ee ku nool caasimadda dalka ee Muqdisho, waxa uuna ballan qaaday in ay xoojin doonaan wada shaqeynta iyo xuquuqda Xuriyatul Qowlka, maadaama warbaahinta gobolka Banaadir ka howlgasha amnigooda uu waajib ka saaran yahay maamulka gobolka Banaadir.

Sidoo kale afhayeenka ayaa masuuliyiinta Idaacaddaha ku war wargaliyey in ay ka soo qeyb galaan Siminaar uu dhawaan qaban doono maamulka gobolka Banaadir, kaasi oo magac darray Tiiraanyo bixinta Saxaafadda, dhinaca masuuliyiinta Idaacaddaha ayaa aqbalay ka soo qeyb galka Siminaarkiisi oo socon doono muddo Afar maalmood ah.

Gabagabada kulanka waxaa ka haddalka qaatay mudan iimaan Nuur iikar ku xiggeenka duqa magaalada Muqdisho ee dhinaca maamulka iyo Maaliyadda, waxa uuna sheegay in uu  ku faraxsan yahay kulanka ay la qaateen masuuliyiinta warbaahinnada Muqdisho, isla markaana hadda wixii ka dambeeya ay sii xoojinayaan horumarrinta warbaahinta, isagoo intaa raaciyey in ay ka wada shaqeeyaan adeegga Bulshada, isla markaana ay la jaanqaadaan isbaddelka ka jira caasimadda dalka ee Muqdisho.

Xafiiska Warfaafinta maamulka Gobolka Banaadir
Mogadishu-Somalia.
[email protected]