4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 17, 2012
Culummaa'uddiinka Ahlusunna Waljamaaca oo markii ugu horreysay Guddoomiye u magacaabay Gobolka Galgaduud

Axad, June 17, 2012 (HOL) — Maamulka Ahlusunna Waljameeca ayaa markii ugu horreysay guddoomiye u magacaabay gobolka Galgaduud ee baratmaha dalka Sooamaliya oo ah saldhigga ugu weyn ee ay Soomaaliya ku leeyihiin.

Kulan ka dhacay magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta gobolkaas kaddib ayaa guddoomiyaha gobolka Galguduud ee Ahlusunna loogu magacaabay, Axmed Yuusuf Xasan Ciyow iyadoo mas'uuliyiinta maamulka ay sheegeen inay isku waafaqsan yihiin magacaabistiisa.

Guddoomiyaha golaha fulinta ee Ahlusunna, Sheekh Maxamed Yusuuf (Xeefow) ayaa sheegay in magacaabistan ay muhiim u tahay gobolka, isagoo guddoomiyaha cusub u rajeeyay inuu waajibaadkiisa u guto si waafaqsan sharciga.

"Waxaan qaybaha maamullada ee Ahlusunna ka codsanayaa inay ila shaqeeyaan, taasoo ii sahlaysa inaan waajibkeyga u guto si cadaalad iyo sinnaan ku dhisan," ayuu yiri Axmed Ciyoow.

Culummaa'udiinka Ahlusunna ayaa ka talisa qaybo ka mid ah gobolka Galguduud, waxaana magacaabista guddoomiyaha gobolka ay imaanaysaa iyadoo xoogagga Ahlusunna iyo ciidamada Itoobiya ay isaga soo baxeen deegaanno ka tirsan gobolka Galguduud.

Gobolka Galguduud ayay Xarakada Al-Shabaab horay ugu magacowday guddoomiye i8yadoo ka talisa degmooyin gobolkaas ku yaalla, gaar ahaan kuwa ku yaalla dhinaca bari ee gobolkaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya