4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 17, 2012
Xisbiga Jamhuuriga ee Mareykanka oo Nin Soomaali ah u magacaabay Guddoomiyaha Xariirka dadka Muhaajirinta ee Minnesota

REP4 (1).jpg

Axad, June 17, 2012 (HOL) — Munaasibadii lagu caleemasaarayey Murshid Cabdi Baaruud oo loo magacaabay gudoomiyaha gudiga xiriirka dadka Muhaajiriinta ee xisbiga Jamhuuriga ee gobolka Minnesota, ayaa waxaa ka soo qaybgalay qaar ka mid ah madaxda ugu saraysa xisbigaasi sida xubnaha ka tirsan aqalka sare ee baarlamaanka iyo kan odayaasha iyo waliba wakiilada goleyaasha gobolka, waxaa sidoo kale munaasibada ka soo qaybgalay dad iyaguna ka socday bulshooyinka soo galootiga ah ee ku dhaqan gobolkaan Minnesota, gaar ahaan dadka u dhashay wadamada ku yaala bariga Afrika sida, Soomaaliya iyo Kenya iyo waliba qoomiyada laatiinooska loo yaqaano.

Munaasibada ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay dad kala duwan oo badnaa xubnaha Jamhuuriga, kuwaasi oo dhammaantood ka midaysnaa siyaasada xisbiga ee dhinaca dadka laga tirada badan yahay gaar ahaan soo galootiga, waxaana ay sheegeen in xisbiga ribablikaanku [Republican] uu wax badan diirada saari-doono sidii guud ahaan bulshooyinka wadankaan soo galay ay uga mid noqon lahaayeen qaybaha nolosha gaar ahaan siyaasada, ganacsiga iyo waliba xoojinta waxbarashada.

Erik Paulsen, oo ka tirsan kongareeska Mareykanka kana mid ah mudanaayaasha ka soo jeeda xisbigaan Jamhuuriga ee laga soo doorto gobolka Minnnesota, ayaa bulshada Soomaalida ah ee ku dhaqan Mareykanka gaar ahaan Minnesota ku amaanay doorka ay dhinaca nolosha kaga jiraan sida sare u qaadida dhaqaalaha, dadaalka dhinaca waxbarashada iyo waliba sida ay uga mideysan yihiin in ay ka faa’ideystaan islamarkaasna ay waxqabsadaan fursadaha wadanka yaala.

David Hann, oo isuguna ka tirsan aqalka odayaasha ee gobolka Minnesota, ayaa ka mid ahaa dadkii madasha ka hadlay, waxaana uu sheegay in magacaabida Murshid Cabdi ay kaalin muhiim ah ka qaadan doonto xiriirka xisbiga iyo bulshoweynta soo galootiga ah gaar ahaan Soomaalida Minnesota.

"Dhammaanteen waan siman nahay, wax micno ahna nooma samayneyso meelaha aan ka kala nimid iyo waxaa aan kala aaminsan nahay, laakiin waxaa muhiim noo ah sidee ayaan wax u wada qabsan karnaa, waana taasi tan nala kaga baahan yahay oo ay tahay in aan iska kaashano, islamarkaasna ay tahay in aan mar-waliba ka wada hadalno," ayey yiri David Hann oo ka tirsan aqalka odayaasha Minnesota.

Murshid Cabdi Mursal, oo ah ninka uu xisbigu u magacaabay gudoomiyaha gudiga xiriirka dadka muhaajiriinta ah ee gobolka Minnesota, oo isaguna hadal dheer ka jeediyey goobta, ayaa nuux-nuuxsaday in uu waxbadan ka qaban doono howsha loo magacaabay, isagoo kaashanaya xildhibaanada xisbiga iyo waliba xubnaha gudiga madaxda looga dhigay.

"Aad ayaan ugu faraxsanahay xilkaan culus ee la ii magacaabay, waxaana sidii aan horayba u balan qaaday aan shaqadayda ka bilaabi doonaa arimaha ku saabsan Soomaalida, waxaana wax ka qaban doonaa arimo badan oo haatan jira sida xiritaanka xawaaladaha Soomalida oo aan howshooda uga shaqayn doono sida ugu magac-quulsan, waxaa sidoo kale qorshahayga ka mid ah sidii aan waxweyn uga badali lahaa, islamarkaasna aan u sii xoojin lahaa xiriirka xisbiga Jamhuuriga uu la leeyahay bulshada soo galootiga ah gaar ahaan Soomaalida," ayuu yiri Murshid Cabdi Baruud.

REP5 (2).jpg

Murshid Cabdi, ayaa ku micneeyey xilkaan loo magacaabay fursad u soo hoyatay Soomaalida marka laga hadlayo doorka ay ku leeyihiin dhinaca siyaasada ee wadanka, isagoo ka codsaday dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Minnesota in ay la shaqeeyaan oo ay ku garab istaagaan sidii uu ugu guulaysan lahaa howsha loo xilsaaray.

Dadkii Soomaali ahaa ee ka soo qayb-galay madashaan, ayaa ka hadlay dareenkooda ku aadan in xisbiga Jamhuurigu uu xil sare u magacaabo shaqsi Soomaali ah, taasi oo ay ku tilmaameen in ay tahay mid u muuqata in xisbigu uu wax badan ka badalay siyaasadiisa ku saalaysan bulshada soo galootiga ah.

"Waa wax lagu farxo in dadka Soomaalidu ay fahmaan meesha ay dantoodu ku jirto, islamarkaasna ay ka qayb-qaataan siyaasada gobolka ay ku nool yihiin iyo guud ahaan tan Mareykanka. Marka laga hadlayo tilaabadaan uu maanta qaaday xisbiga ribablikaanku [republican], waxaa lagu tilmaami karaa mid uu ku soo jiidanayo kalsoonida iyo codka dadka soo galootiga ah, anagana waxaa naga go’an in aan la shaqeyno cidii aan u aragno in ay danteena wado," sidaasi waxaa yiri Maxamed Faarax Carab, oo ah ganacside Soomaali ah, kana mid ahaa dadkii kulankaan soo abaabulay.

Dalkaan Mareykanka ayaa loo diyaar garoobayaa xiliga doorashada madaxtinimo, waxaana labada xisbiga ee Jamhuuriga iyo demoqoraadiguba ay waqtigaan oo kale awooda saaraan sidii uu mid waliba u kasban lahaa kalsoonida iyo codadka dadweynaha, iyadoona Soomaalidu ay tiro muuqata kaga jiraan bulshooyinka laga tirada badan yahay ee ku dhaqan gobolka Minnesota.

REP3.jpg
REP6 (1).jpg
REP.jpg
REP2.jpg
REP8 (2).jpg
REP9.jpg

Maxamed Faarax Talyaani, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota